Adeega Qareen Russell Flickinger

0
543

W/Q: Mahdi Taakilo
Somalilinknewspa-per@gmail.com
Maxaad ka taqaan Qareenka Russell Flick-inger? Russell wuxuu u adeegaa dadka Soomaali-yeed ee ku dhaqan deg-madan Franklin iyo nawaaxigeeda. In ka badan 10,000 oo qof ayuu caawiyey mudadii uu la shaqaynayey dadka Soomaalida ah oo haatan gaaraysa 19 sano, wuxuuna ka caawiyey maxkamad ay lahaayeen ama siiyey deeq lacageed oo ay u baahnaayeen.
Sidaad la socotaan waxaa magaaladan ka dhaca ciyaaraha kubada cagta oo sannadle ah oo ay soo qaban-qaabiyeen dhallinyaro reer Colum-bus ah. Dhallintaradan ayaa ka bilowday ma-gaalada Columbus abaabulka ciyaarahan muddo haatan laga joogo 19 sano. Ciyaartooyda halkan ku ciyaartaa waxay ka kala yimaadaan dhammaan gobolada North America. Waxaana lacagta ugu badan soo dhawayntooda ku baxsha Qareen Russell.
Bashiir Geelle oo ah mid ka mid ah aasaasayaashii kooxaha ciyaaraha aan kor ku soo sheegnay ayaa sheegay in 19-kii sano ee ay ciyaara-hani jireen uu Qareen Rus-sell ahaa qofka kaliya oo dhaqaale ahaan ku caawi-yey, isagoo hadalkiisii sii watana Bashiir wuxuu yiri “Ma jiro qareen ama qof sida uu Soomaalida u caawiyo Russell u caawiya” Bashiir wuxuu intaas ku daray in Russell bisha Ramadaanka uu Ma-saajidyo fara badan siiyo lacag gaaraysa $1,000 masaajidkiiba.
Bashiir ayaa sidoo kale sheegay in uu Russell laf-dhabar u yahay ugu yaraan 20 kooxood oo magaal-adan isugu yimaada jiilaal kasta. Wuxuuna yiri “Waa hore ayey ciyaaruhu joog-san lahaaayeen Russell la’aantiin” Wuxuuna ha-dalkiisii ku soo gaba-gabeeyey in Russell yahay saaxiib Soomaaliyeed.
Cabdi Qani Maxamed oo ka mid ah ciyaartooyda caanka ku ah ciyaarta ku-bada cagta, ahna reer Co-lumbus, ayaa isna yiri “Russell wuxuu caan ku yahay in uu dadka Soomaalida ah xuquu-qdooda u soo celiyo”. Wuxuu Cabdi Qani intaas ku daray in Qareen Russell bulshada Soomaaliyeed u shaqeeyo, una qabto shaqo daacad ah isagoon waxba ku raadsanayn” Wuxuu yiri “Wuxuu caan ku ya-hay caawinta Masaajidy-ada Columbus. Cabdi Qani wuxuu ku sheegay Russell in uu yahay nin Soomaali ah, dhaqankii Soomaali-dana si fiican u qaatay.
Russell intaas kaliya ma aha waxyaalaha uu Soomaalida ku taageero. Waxaa ka mid ah in uu deeq lacageed siiyo ururka lagu magacaabo Our Help-ers oo caawiya dadka qaxootiga ah. Russell wuxuu kaloo deeq waxba-rasho sannad walba siiyaa ardaysa ka qalinjabisa dugsiyada sare ee u socota Jaamacadaha, wuxuuna intaas ugu daraa qarash yar oo ay jeebka sii gasha-daan. Waxaa jira Isbitaalo badan oo ka dhisan Soomaaliya oo kuu deeqo lacageed ugu deeqo sanad walba.