Barbaarinta Carruurta iyo Barashada Afka Hooyo

0
371

Ummad walba oo ku nool adduunkan aan ku nool nahay waxay leedahay luqad u gaar
ah oo ay isku afgartaan oo ay kuwada hadlaan iyo dhaqan/ caado u gaar ah oo ay leeyihiin.
Haddaba aan tilmaamo dulucda qormadayda maanta oo ku saleysan “Barbaarinta
Carruurta iyo baridda Afka Hooyo”. Waxaad had iyo jeer aragnaa carruurta Soomaliyeed
oo guryahooda jooga oo ku sheekeysanaya luqadda Ingiriiska amaba la hadlaya
waalidkooda waalidkuna ugu jawaabaya Soomali ama Ingiriis
hadba midka u fudud ama afkiisa ku soo hormara.
Arrintani waxay keeni kartaa in carruurtii ka marin habaabto
barashadii afka hooyo (luqadda Soomaaliga) oo ay ku adkaato barashada luqadda
hooyo marka carruurtu ay xoogaa koraan, amase ka xishoodaanbarashada afkooda
hooyo.
Barbaarinta carrurtu ma ahan oo keliya cunno siin iyo hoy oo keliya ee waa inaad ka
dhistaa diin ahaan, ka dhistaa

Cabdiraxman Du’aale

ku hadalka afka hooyo iyo dhaqan ahaanba. Dhallaanka yar marka uu billaabo hadaaqa
ayaa wanaagsan in mar walba lagu barbaariyo ku hadalka afka hooyo, carruurta kale oo
fahmi kartana looga sheekeeyo sheekooyinka diinta, dhaqanka, aadaabta wanaagsan,
xurmada waalidka iyo xiriirinta qaraabada, xishoodka iyo dad la dhaqanka wanaagsan.
Si loo gaaro carruur dhaqan wanaagsan kuna hadasha afka hooyo waxaa nala gudboon:
1.In goor walba oo qoysku wada jiro ama la joogo guriga iyo gawaarida dhexdooda lagu
wada hadlo afka hooyo oo waalidka diido luuqado kale. (2) In la abaal mariyo carruurta isku
dayda in ay barato afka hooyo, laguna qoslin haddii ay si khaldan ugu dhawaaqaan. (3) In
waalidku u sahlo buugaagta ka caawin karta barashada afka hooyo sida (u diridda
text, e-mail af-Soomaali ah goor walba). (4). Geynta masaajidda ay ka jiraan muxaadarooyinka
iyo wacdiyada diiniga ah. Waxaan ku soo gaba-gabaynayaa qormadayda in waalidku xil muhiim
ah ka saaran yahay barbaarinta dhaqanka wanaagsan iyo ku hadalka afka hooyo. Waalidiintu
waa in ay siiyaan waqti ay kula sheekeystaan carruurtooda oo ay dhegeystaan fikradahooda
kala duwan, kana warqabaan iskuulka ay carruurtooda aadaan, xiriir joogta
ahna la haadaan macallimiinta iyi maamulayaasha digsiyada. Ogow waalidkow adigaa mas’uul ka ah baridda afka Soomaliga carruurtaada, diintiisa, dhaqankiisa iyo hagaajinta akhlaaqdiisa.
Waxaan rajaynayaa in Illaah noo fududeeyo xilkaas culus oo nasaaran haddaanu nahay
waalidiin.