Faallo: Xukun iyo Janno La Isla Waa-Ka Joog!

0
277

“Dab iyo dhagax la iskuma dhuftee, kala dhawraay, kala dheer labadaduye, kala dhawraay…”  Murtidas  waxaa la curiyey sanooyinkii lixxdamaadkii, waxayna Soomaalida uga digaysay in ‘Maamulka iyo siyaasada dalka laga ilaaliyo qabyaaladda’. Laakinb – sida caqliga wanaagsani oggol yahay- murtidaas in la raaco waxaa ka xoog batay damaca kooxaha diimeed ee ku dagaalamaya magaca diinta muslimka ee karaamaysan. Qabyaalad ayaa maamulkii dalka lagu dumiyey, maantana waxad moodaa in magaca diinta sheeganaya in lagu duminaya! Halkan  Diinta lafteedu waanoqon kartaa mid koxo dan lihi adeegsadaan! Weliba waxay haystaan qiilay ku weeraraan in aad gera tay dantooda : kiyaabka Alleayaad diidan tahay!”Dad aan  danbi galabsanna bumbaa lagu qarxinayaa. Waqtigan oo ay guud ahaan Soomaalida ku yar tahay isdhaafsiga dodo maangal ah, haddana markay ‘dood noqoto’ tan ugu nasibka darani waa tan ku dhisan diinta, waayo qofkan xukun doonka ahi wuxuu isla markiba dadka ku cabsi gelinayaa Diinn iyo xag Eebbe!

Weligeed qof dan lehi waa jeeel yahay in uu la yimaado wax dadka uu ku beer – la – xawsado. Weliba dal saboolnimo, burbur iyo rajo xumo ka dhex adeegto. Dhibkaas dadka haysta in looga baxayo  waddaaddo xukun doon ah, hubaal waa mid uun ku ekaan doonta ‘ Beer laxawsi’.

14-km sano ee la soo dhaafa, muuqaalka kooxaha ‘Xukun iyo Janno doon ah’ ee Soomaaliya, karaan qoon loo dugsadoin ay yihiin kuwo Soomaaliya ‘oof’ ka saari doona. Arrimaha iminka Muuqdisho ka soeda, waxay quuldarrada. Soomaaliya u xambaariyaan inta kale, waxayna xalka ku tilmaameen. Soomaaliya oo laga hirgeliyo Xukukun Islami ah. Halkan mar kale Soomaalidu waxay u baahan tahay in looga digo in ayan debinka ugu dhicin kooxo xukun doon ah oo diin ugu dhex hullaabta! Haddii 25-sano oo ‘dagaal sokeeye iyo dagaal ogee’ la soo arka, haddana Soomalidu waa in ayan jitaabin mid hor leh ‘Xukun isla soeda – ka jog!