Ila Qosol Belaa Hortaa I Salaantay!!!!

0
624
Faarax Siyaad

Oday loogu yeero Faarah Siyaad ayaa wuxuu maqli jiray markuu joogay
Gobolada Dhexe, Muqdisho sanadihii 1980kii, waxaa ka dilaacay qalin-shubato
dadka furata, oo weliba indho sarcaad ku darsadey. Waa danbe ayaa odagii
Muqdisho (Xamar) u soo safray (aadey) isagoo xabsi badan ka qaba qalin
shubatadii la sheegayey. Maalintii danbe ayaa odagii oo maraya degmada
Ceelgaab ee magaalada Xamar wuxuu maqlay nin leh “Adeer Faarah Siyaad
side tahay”. Markaasuu is yiri waa nin ku yaqaane is ka salaam. Adeer waa la fiican
yahay iyo wuxuu isugu daray isagoo gacanta u soo taagey.
Intaas wixii ka danbeeyey Faarah boorsadiisii xoolo kuma jirin! Faarax Rooble
ma ogayn in magacu ku jiro waxyaalaha la isku qaldo. Faarah oo maraya Baar
Ubax, aadna u yaaban, una xanaaqsan howr maarmood ka gadaal ayaa waxaa kor
ka arkey nin ay qaraabo ahaayeen, waqti muddo ahna is arag. Ninkii baa wuxuu yiri
“Faarah Siyaad, side tahay” wuxuuna intaas ku daray in
uu gacan u soo taago. Faarah wuxuu yiri isagoon ninkii fiirin “Ader hortaa baa
belo I salaantay ee ina kalawad”