Xaflad lagu Soo Dhawaynayo Sannad guuradii Labaad ee Ka soo Wareegtay Khatumo State iyo Columbus

0
161

Waxaa bishan
d a b a y a a q a d e e d i i
magaaladan Columbus
lagu qabtay sannad
guuradii labaad ee ka
soo wareegtay dhismaha
dowladda Khatumo sida
ay noo sheegtay Sahrakiin
Cali Kaarshe oo iyadu
ka mid ah dadkii sida
xoogga ah uga shaqeeyey
isku dubaridka shirkaas oo
si fiican u dhacay.Waxaa
isugu yimid dad qiyaastii
gaaraya dhowr boqol oo qof,
waxaana looga hadlayey
sida Sahrakiin sheegtay sidii
loo joojin lahaa khilaafka
ka dhextaagan reer
Khatumo, loona midoobi
lagaa. Khilaafaadkaas ayey
ku sheegtay in uu yahay
kala qaybsanaanta reer
Khaatumo u kala qaybsan
yihiin reer Puntland iyo
Somaliland. Madaxdii ka soo
qayb gashey shirkaas ayaa
waxaa ka mid ahaa wasiirka
Arrimaha Gudaha Mudane
Yasin Axmed Sulub.