Gabayadii Guba Qaybtii Labaad

0
312

Ku soo dhawaada qaybtii labaad ee gaba-yadii Guba ee taxanaha ahaa. Waxayna bishii la soo dhaafey noo joogtay halkan uu Cali Dhuux ka yiri:
Wardheer aan dagaal xumi ka dhicin, dig iyo baaruud ah Doox iyo Doh iyo Faafan waa, soo dalbanayaane Kuna dalaaqe naagihii inay, dib uga laabmayne Iiddoorku suu damacsanaa, loo diyaafadiye Hadba dunida duul baw kacoo, diin la soo shira’e Dar Illaahay uun baa xaggiis, looga soo diraye War sow sida Darwiishkii Isaaq, duub cad uma qaadan! Makaahiilku Dooy uma kaceen, degaya Hiiraane Daacuunku meeshuu ku layn, uma dalluumeene Daal iyo hadhuudh kuma cuneen, Degelki Haarweyne Habar Yoonis bay uga durkeen, degelladoodiiye, Dullinnimo inay qaayibeen, waxa daliilkiiya; Dadba weli ma arag reer Subeer, duul ka soo qaxaye Dooyiyo dabriyo weerar iyo, ma laha duullaane Ninnaba uunka kama dawladsana, Dir iyo Daaroode Illaah baa dabkoodiyo nasakhay, danabbadoodiiye Dadka uguma liitaane’e way, diriri waayeene.
Afartaa sidii deleb la riday, maysu dabajoojey “Da’dii” aan ka qaadiyo miyaan, “Deelka” ka habawshay Ma daleeyey deelqaafku waa, kaa dilaa gabaye Dacwad kalena waa Reer Xirsiga, hal an dareensiiyey; Dadka waa la wada laynayee, waa u darraydeene Dubbihii ku dhacay Bih Ina-Cali, doogta weli haysa Waa waxay la dabandeebayaan, daqaradeediiye Waxay dalagga beeraha la qodan, waa dagaagnimo’e Damal Aboodi Deyr iyo Afmeer, dixida Gaaroodi Reerahoodu maantay degeen, daawe lagu boobye Sidii galab dawaar loogu rogey, Deleb ma maalaane Ina-Raabbi waa tii la dilay, waana Reer Dalale Dumar kuma sagootiyin kuwii, dahay Ugaaskiiye