Beesha Caalamka oo taageertay shir madaxeedka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada

0
403

Khamiis, May, 20, 2021 (HOL) -Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay u arkaan shir-madaxeedka soo socda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya – Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee ka dhacaya magaalada Muqdisho in uu yahay fursad muhiim ah oo ay waajib tahay in aan la lumin si  loo horumariyo nabadda iyo amniga Soomaaliya.

Waxaan ku bogaadinaynaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble qabashada shirkan waxaana rajeynaynaa in uu sii hoggaamin doono geedi-socodka doorashada, oo ay ku jirto amniga doorashada.

Waxaan soo dhoweyneynaa ballanqaadka dhammaan madaxda ee ka-qaybgalka shir-madaxeedka si shuruud la’aan ah.

Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan madaxda DFS iyo DGXDF inay sameyaan tanaasul wax-ku-ool ah si heshiis dhakhso leh loo gaaro, dalkuna uu si dhakhso leh u qaban-qaabiyo doorashooyin ku saleysan Heshiiskii 17kii Sebtember.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com