Soomaalida Columbus ooTaageertey Morgan Harper

0
259

Ka bilow bidix safka hore: Cabdullaahi Boss, Nuur Duubow, Sowda Faarax, Cumar Ibraahim. Bidix istaag: Cumar Maxamed Muse, Morgan Harper, Cabdi Geeseey, Aaden Faarax (Black), Cali Xasan, Sahra Qaylaweyne.
Bisha Maarso ee sannadka nagu soo foolka leh ee 2020, waxaa loo dareerayaa doorasho lagu dooranayo ciddii Aqalka Hoose (Congress) xaafada saddexaad uga soo gali lahaa. Xaafada saddexaad waxay dhacdaa laga bi-laabo bartamaha magaal-ada Columbus illaa Morse road, Northern Lights, Gahana, Easton Mall, Grove City, Blacklick etc.
Xaafaddan saddexaad ayaa ah xaafada dadka Soomaalidu ugu degaan badan yihiin, waxaana hadda matasha Joyce

Beatty oo aan wax xiriir ah la lahayn dadka Soomaalida ah ee deggan xaafadeeda. Cab-diraxmaan Ducaale oo u shaqeeya degmada Frank-lin County, ahna dadka siyaasadda magaaladan sida aad ka ah ugu dhuun-daloola ayaa wuxuu yiri “Lixdii sano ee ay Joyce Beatty matalaysey dadka Soomaalida ah ee ku nool xaafadeeda, ma maqal wax ay u qabatey haba yaraaree”. Cabdiraxmaan oo arrintaas ka sii had-layana wuxuu sheegay in

aysan qof Soomaali ah shaqo siin, wax xiriir ahna la lahayn Soomaalida deg-gan Xaafadeeda. Cabdirax-maan intaas kagama harin ee wuxuu yiri “Waxaan maqley waxay wadataa oo wax ka maqashaa nin la yiraahdo Burhaan Axmed oo aan isna wax xiriira haba yaraatee la lahayn Soomaalida ku nool ma-gaaladan”.
Morgan Harper waxaa loogu deeqay lacag gaaraysa $323,000 muddo saddex bilood gudaheed ah, dadka lacagahaas ugu deeqay ayaa la sheegay in ay gaarayaan 2670 oo qof, meesha Joyce Beatty de-eqaha ay heshay ay ka heshay 160 qof, taasoo macnaheedu yahay in Joyce Beatty dadka laca-gaha siiyey u badan yihiin dad dano gaar ahaaneed ka leh oo ka socda shirkadaha waaweyn.
Mar aan waydiinay Mor-gan waxay dadka Soomaalida ah u qaba-nayso haddii la doorto waxay sheegtay in ay taa-geerayso ganacsatada yar yar ee u baahan in gacanta la qabto. Waxay kaloo sheegtay in lacag lagu fu-liyo barnaamijyada Soomaalidu u baahan yi-hiin uga raadin doonto dowladda federaalka ah, waxayna tiri “Waxaan la shaqayn doonaa xubnaha Aqalka Hoose oo isugu jira dimoqraadi iyo ribab-likaan”.
Madaxda Soomaalida ee sida aad ka ah uga biyo diidsan waxtar la’aanta Joyce Beatty waxaa ka mid ah Xasan Cumar oo ah madaxa Jaalliyada Soomaaliyeed ee Colum-bus, isagaa arrintaas ka hadlayana wuxuu yiri “Waxaan jeclaan lahaa in ay dadku taageeraan ciddii wax ka qabanaysa waxba-rashada, shaqo la’aanta ka jirta magaalada, na-badgelyada iyo guryaha. Joyce Beatty illaa iyo hadda ma jirto wax allaale waxay u qabatey dadka Soomaalida ah ee deggan xaafadeeda”. Mar aannu waydiinay in uu wax fariin ah u hayo dadka coday-naya wuxuu yiri “Waa in dhammaan dadku u codeeyo dadka inaga na taageersan, Joyce Beatty-na nama taageersana”.
Kowthar Muuse oo ah reer Columbus, diyaari-naysana shahaadada PH.D, kuna caan ah abaabulka bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladan Columbus, ha noqoto dhanka doorashooyinka ama wacyi galilntooda ayaa iyana sheegtey in Morgan Harper tahay qof yar oo fahmi kara baahida dhallinyaradeenu qabto, waxayna tiri “Waxaan u baahanay in aan dadaal iyo karti dheeraad ah muujino si aan u doorano Morgan oo ah qof diyaar u ah in ay wax u qabato dhallinta soo koraysa.
Morgan waxay taageer-san tahay siyaasada ay ku socoto Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed oo Aqalka Hoose ku jirta. Waxay kaloo sheegtay in ay si wanaagsan ula shaqayn doonto Ilhan Cumar. Fadlan waa in aan loo kala harin doorashada, la shaqaynta iyo una howl-galka Morgan Harper.