Soomaalida Columbus Taageertey Morgan Harper

0
179
Ka bilow bidix safka hore: Cabdullaahi Boss, Nuur Duubow, Sowda Faarax, Cumar Ibraahim. Bidix istaag: Cumar Maxamed Muse, Morgan Harper, Cabdi Geeseey, Aaden Faarax (Black), Cali Xasan, Sahra Qaylaweyne.

Bisha Maarso ee sannadka nagu soo foolka leh ee 2020, waxaa loo dareerayaa doorasho lagu dooranayo ciddii Aqalka Hoose (Congress) xaafada saddexaad uga soo gali lahaa. Xaafada saddexaad waxay dhacdaa laga bi-laabo bartamaha magaal-ada Columbus illaa Morse road, Northern Lights, Gahana, Easton Mall, Grove City, Blacklick etc.
Xaafaddan saddexaad ayaa ah xaafada dadka Soomaalidu ugu degaan badan yihiin, waxaana hadda matasha Joyce Beatty oo aan wax xiriir ah la lahayn dadka Soomaalida ah ee deggan xaafadeeda. Cab-diraxmaan Ducaale oo u shaqeeya degmada Frank-lin County, ahna dadka siyaasadda magaaladan sida aad ka ah ugu dhuun-daloola ayaa wuxuu yiri “Lixdii sano ee ay Joyce Beatty matalaysey dadka Soomaalida ah ee ku nool xaafadeeda, ma maqal wax ay u qabatey haba yaraaree”. Cabdiraxmaan oo arrintaas ka sii had-layana wuxuu sheegay in