Barbaarinta wanaagsan ee Carruurta Qurbaha!

0
232

W/Q. C/raxmaan Geelle Ducaale
Waa wax aad u dhib badan ku barbaarinta Car-ruurta qurbaha ama dalalka shisheeye ku nool akhlaaq iyo dhaqan suuban iyadoo ay jiraan mawjado kale oo lid ku ah barbaarinta suuban oo ay hafinayaan carruurteennii.
Caruur barbaarintu waa xirfad ay waariddiintu is dheer yahiin, sida xir-fadaha kale oo kale, qofkii barta barbaarinta hagaag-san ee caruurta, waxaa inta badan laga gartaa caruurta uu tarbiyeeyay ama uu barbaarshey, waayo xig-mad caan ah ayaa oranaysa: “Qof wuxuu bixiyaa, waxuu hayo! Sidee ayuu waalid ilma-hiisa si wanaagsan ugu barbarin karaa, haddii aanu ogayn ama aqoon waajibka saran?
Caruur badan ayaa maanta ku sugan xaalad aad looga naxo, akhlaaq ahaan, diin ahaan, waxba-rasho iyo bulsho ahaanba. Taasna micnaheedu ma ahan in ay ilmahu xumaan ku dhasheen, ee waxay u badan tahay, in ay soo barbaariyeen waalidiin dayacay ilmaha ama kuwo aan aqoon u lahayn bar-baarinta haboon ee ca-ruurta.
Bulsho xunna ma jirto ee waxaa jiro bulsho ka kooban qoysas aan aqoon u lahayn sida caruurta loo barbaariyo. Dabcan dhal-linta aan la tarbiyadayn waxay mushtamaca ku tahay dhaawac wayn oo khatar ku ah diinta iyo dhismaha bulshadaba. Waa maxay sababaha sahli kara in carruuteenna ay ka hagaagto xagga akhlaaqda iyo diintaba? Waxaan ku soo koobi karnaa dhowrkan qodob:
1-Badi la sheekeysiga iyo ka warqabka carruurta. 2-Saaxiibtinimo ula dhaqan laakiin ha la saaxiibin ilmahaaga . Waxaa inta badan dhacda in reer Galbeedku ay car-ruurtooda ula dhaqmaan sidii inay saaxiibo yihiin. Islaamka dhexdiisa, taasi macquul ma ahan. Haddii aad waligaa maqashay saaxiibo wada hadlaya, waad garan kartaa waxay ka wada hadlaan; hadaba waad ogtahay in sidaasi aanay ahayn sida waalidka iyo ilmahiisu u wada hadli karaan. Adigaa waalidkii ah, waana in ay ku ixti-raamaan, waana inaad taas barto.
Saaxiibtinimadu waa inay ku ekaataa in adiga iyo carruurtu ay si kal-sooni ah u wada hadli karaan, si ay walwalkooda kuugu sheegtaan ama ay su’aalo kugu waydiiyaan makra ay rabaan ama ar-rini la soo gudbaanaato. 3- Tusaale wanaagsan u noqo hab dhaqanka wanaagsan iyo diintaba. 4–Kala qayb gal waxa carruurta jece-shahay sida cayaaraha iyo ku lugeynta mee-laha keymaha ama Parks loo yaqaan.
5-Sii mar walba talo joogta ah oo ku saabsan saaxiibada xun xun iyo kuwa wanaagsan iyo waxa lagu kala garto.( Darro-ortaba ama dhibicda bi-yaha wey daloolisaa dha-gaxa) 6-Bar taariikhdooda Islaanimo iyo Soomaalinimo oo ah halka ay ka soo jeedaan kuna faanaan goor walba.
Marka walaalayaal waxaa nala gudboon in aan waqti iyo dadaal ge-linno carruurteenna anna-goo talada saaranayna illaah. Sideedaba waxaan loo dhibtoon lagama miro dhaliyo. Haddii ay ahaan lahayd waxbarasho, shaqo, ganacsi iyo korinta dhal-laankeenna yar yare ee ku koraya qurbaha, kuwaas oo la mid ah qof lagu dhex tuurey badweyn oo ka xiran gacmaha oo halis u ah in uu quuso goor walba.
U noqo goor walba mid isha ku haya iyo xaalad walba uu ku sugan yahay diyaarna u ah talasiintiisa/talasiinteeda iyo bad baad-intooda, xattaa haddii aad kari karto degaan beddele-sho gudaha iyo dibadd-aba. ■