Gabayadii Guba

0
1050
Geel Cabaya Berkad Biyo ah

Guba waxaa isweydaarsaday 12 gabyaa. Maga-cyadooduna -waa habka gabayadu isugu xigaane-waa sida hoos ku qoran: 1. Cali-Dhuux Aadan. 2. Qamaan Bulxan. 3. Maxamed Fiin. 4. Buraale Cali Ubaxle. 5. Ismaaciil Mire. 6. Cilmi Carab Cabdi. 7. Salaan Carrabey. 8. Ismaaciil Cigaal Bul-laale. 9. Xaaji Khaliif Aw-Axmed. 10. Xuseen Hudle. 11. Maxamed Cumar Dage. 12. Samatar Baxnaan Silsiladda Guba, waxaa bilaabay Cali-Dhuux Aadan oo Harti, Dhul-bahante ahaa. Ceel ceelasha Doollood ka mid ah oo “Cammuud“ la yiraahdo ayuu hal (geel) geeyey. Waxaa halkaa ka cabbayay niman Habar Yoonis ahaa. Sida la sheegay, hashii baa loo waraabin waayay. Dacdii ayuu neefkii geela ahaa ku sii daayay. Intay faruurdhabatay ayay iska dhaqaaqday.
Dabadeed Cali-Dhuux, isagoo Cartan, waa hasha ma-gaceedee,ku halqabsanaya oo la hadlaya ayuu tiriyey tixa-hakan soo socda:
Cartaneey Cammuud layska qaad, ceelki Reer Magane Hadday curaddadii nool yihiin, waad cabbi lahayde Nimankii ku caawiyi jiraan, cidi ka noolayne Cabdullaahi iyo Yuusuf baa, ciidda hoos maraye Beddel baa cashiiro u xigoo, waa cuq dabadeede Raggii calanku saarnaan jiriyo, Caliba loo diidye Niman baaba Caarshe u noqdiyo, Caamir oo kala’e Markuu Haybe sidii coomir degey, looga soo cararye Ma la cawryi Reer Yuusuf waa, cirir Ogaadeene, Miduu caayo miduu cayriyiyo, miduu carjaameeyo Saddexdaa calaamuu ka dhigay, cuurki Reer Dalal Caqli waxaan lahayn baad tahaye, ha i caloolyeyne, Cayn iyo Hartaad leedahaye, caraqda fuuqfuuqso!
Goor ay muddo ka soo wareegtay, wuxuu Cali-Dhuux Aadan raaciyay gabay ah: “Doqonkii Ogaadeen ahaa, Doollo laga qaadye”. Tixdaasna, waxay furtay Silsiladdii Gabayadii