U Codee Rob Dorans Xubin Guddiga Magaalada

0
173

Rob Dorans waxaa loo magacaabay xubinnimada guddiga ma-gaalada bishii labaad ee Sannadkan. Asagoo yar oo arday ah ayuu billaabay in uu bulshada u shaqeeyo, markuu ardayga ahaa wuxuu ka qayb qaatey diiwaan gelinta codadka ardada Jaamacadda.
Rob waa nin aaminsan in bulshada si iskaa wax u qabso ah loola shaqeeyo marka aad waqti hayso. Waa qareen, waqtiyada qaarkoodna caawiya bulshada taagta daran oo aan kharash u hayn in ay Qareen qabsadaan. Mr, Rob Dorans wuxuu#

madax ka yahay guddiga Korontada, Biyaha iyo Bullaacadaha (public utili-ties) ee magaalada Colum-bus.
Waa nin aaminsan in dowladda ay gargaarto qoysaska danta yar inta ay ka soo kabanayaan dhaqaale ahaan, Sida

nafaqeynta haweenka iyo dhallaanka (WIC) iyo kaararka raashinka Cayrta oo isagoo yar lagu caawi-yey qoyskooda. Waa Qareen ka qalin jabiyey Jamacadda Ohio Universty ee Toledo. Xaaskiisana waxaa la yiraahdaa Drs. Lauren Dorans waxay ku nool yihiin Italian Village.
Mar Wargayska Somali Link waydiiyey sida uu u taageerayo Xaafiisyada Soomaaliyeed ee ku howlan u adeega dad-kooda oo dhaqaale la’aani soo foodsaartay wuxuu yiri “Waxaan doonayaa in aan la shaqeeyo madaxda Soomaalida ee u adeega Soomaalida, kana caawiyo sidii ay dhaqaale uga heli lahaayeen dakhliga ma-gaalada”.