Xasan Cali Cumar

0
333

Xasan Cali Cumar waa hoggaamiyaha Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Colum-bus iyo nawaaxigeeda. Xasan dheere wuxuu soo hoggaaminayey Jaalliyad-dan reer Columbus muddo dheer. Waa xarunta keliya ee loogu adeego Jaalli-yadda Soomaaliyeed ee Columbus. Xaafiiskani wuxuu furan yahay todo-bada maalmood ee siti-maanka.
Waxaa Xaafiiskan wax loogu qabtey in ka badan 20,000 oo qof muddadii uu furnaa. Dadkaas adeegyada loo sameeyey waxaa ka mid ah Luqad Baris, ka caawin raashin iyo kaararka caafimaadka oo ilmo iyo waayeel isugu jira, shaqo u raadin dadka shaqo doonka ah, dac-weynta shirkadaha guryaha leh oo sida xun ula dhaqma dadka Soomalida ah.
Wuxuu Xasan keenay qareeno bilaash ah (legal Aid) oo ka hor istaaga fa-lalka sharci darrada ah, kuna khasbey shirkadaha guryaha mag dhow. Sidoo kale waa shakhsi u taagan wacyi galinta bulshada goor walba, lana qeybsada muraga iyo farxadda.dadkiisa.
Xasan Cumar waa shakhsi Soomaalinimadu ku weyn tahay oo jecel midnimada qaranka, kana soo horjeeda wixii calanka buluugga ah qoqobaya ama dhaawacaya sharafka um-maddeenna. Inkastoo teegaeerada magaalada iyo gobolkuba ay siiyaan ay yar yihiin amaba ay san jirin Xasan wuxuu ku dadaalaa in Jaalliyaddu mar walba furnaato, una shaqeyso danaha shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladan Co-lumbus iyo nawaaxigeeda. ■