Qori Tuurkii Ciyaaraha Waqooyiga Ameerika

0
292

By Jamiilo Ismaciil SomaliOhioNews.com Columbus, Ohio ayaa
noqotay xarunta lagu
qabto ciyaaraha kubada
cagta ee waqooyiga
America. Ciyaarahan ayaa
dhexmara sannad walba
ciyaartooy Somaali ah oo
ka kala yimaada goboloda
Maraykanka iyo Canada.
Sabtidii la soo dhaafey
ayaa la qabtay qori tuur
loogu qori tuurayey isku
aadka kooxaha ka soo
qayb galaya ciyaaraha lagu
qaban doono magaaladan
Columbus sannadkan 2014
gudihiisa. 16 kooxod ayaa ka
soo qayb galaya ciyaaraha
sannadkan. Sideed ka mid
ah kooxahan ayaa waxay
matalayaan labada gobol oo
ay Soomaalidu sida xoogga
ah u degan tahay ee Ohio iyo
Minnesota.
Shirkii Guddiga Qori Tuur
Ciyaaraha oo Ka Dhacay
Columbus, Ohio
Afar kooxood oo ka la socota
afar magaalo ayaa lagu
bilaabay ciyaarahan markii
ugu horaysey ee la aasaasey
siduu noo sheegay mid ka
mid ah qaban-qaabiyaasha
ciyaarahan Mudane
Bashiir Gelle. Afartaas
kooxood ayaa kala ahaa
kooxda Columbus, Atlanta,
Minneosota iyo Toronto
14 sano ka hor markey
bilaabeen ciyaartahan.
Wuxuu noo sheegay Bashir
in ciyaarahani noqdeen
kuwo aad loola dhaco,
dadkuna ay aad u xiisayn
jireen sannadba sannadka ka
danbeeya.
Columbus Indoor Soccer
Cup ayaa soo agaasimey
munaasabadan qori tuurka
ah. Munaasabadan ayaa la
sheegay in ay ka soo qayb
galeen ciyaartooy, coaches
iyo taageerayaal badan,
waxayna ahayd mid si heer
sare ah loo soo agaasimey.
16ka kooxood ayaa waxay
isugu aadayaan sidatan.
Pool A: Twin City FC,
Eagles FC,ATL Horseed.
Dallas FC. Pool B:Midnimo
FC,Samba FC,Maine FC,TN
Muqdisho. Pool C:Columbus
Starts,Boston FC Somali
Tigers,Toronto FC. Pool
D:Hillac FC Washington
DC, Seattle iyo Halgan.
Ciyaaharaha oo sanadkan
Dhacaya April 17th-20th
2014, iyagoo socon doona
sedex maalmood. Ayaa
waxeey yihhin kuwa aad
iyo aad loo dherarayo sida
ka muuqatey shucuurta
dhalinyaradii ka soo qeyb
gashey qori tuurka. Hilac FC
oo ah kooxdii guueleysatey
sandkii la soo dhafey ayaa
waxey ku jiraan Pool D.