Bishaaro Bishaaro

0
341

Ma doonaysaa in aad ta-raag wadistiisa ku barato lacag la’aan? Ma doonay-saa in aad noqoto darawal taraag? Ma doonaysaa in aad lacag ka samaysid wadista gawaarida taraag-yada ah ee isaga goosha gobolada uu Maraykanku ka kooban yahay? Hadd-aba hay’adda IMPACT Community Action waxay halkan idinku bishaaray-naysaa in ay diyaar u tahay in ay idinka caawiso, idinkana bixiso lacagta aad ku baran la-hayd wadista gawaarida taraagyada ah.
Hadaba, maxaa lagaaga baahan yahay in aad no-qoto darawal taraag? Waxaa kaliya ee lagaaga baahan yahay waa: 1) Waa in aad leedahay bat-antaha gaariga lagu wado (driver license). 2) Waa in aad haysaa waraaqda aqoonsiga soshal sa-kuuritiga (social security card). 3) Geegagaagii 90kii maalmood ee ugu danbeeyey. 4) iyo in aad ku baastid imtixaanka daroogada. IM-PACT kuma koobna ba-rista taraagyada kaliya ee waxay kaa caawin kartaa waxyaalo badan oo ay ka mid yihiin in ay dadka ka saacidaan in ay gurigooda kiradiisa kaa baxshaan haddii aad lacagta kirada iska bixin waydid. Waxay kaloo kaa caawin karaan in ay guriga gudihiisa kuu dayactiraan, oo kuu ha-gaajiyaan, ha noqoto in ay qol kuugu daraan haddaad doonaysid, ama musqul cusub kuu sameeyaan.
Waxay IMPACT kale oo ay kaa caawin kartaa in ay kaa bixiyaan gurigaaga

biyahiisa, korontiisa etc, haddii aad bixin way-did.Waxay kaloo awoodi karaan in ay kaa yareeyeen lacagta korontada ama biyaha aad hadda bixisid.
Madaxa hay’addan IM-PACT Mr. Bo’ Chilton ayaa sheegay in loo baa-han yahay in dhammaan bulshooyinka (communities) ku nool magaalada ay iskaasha-daan si looga baxo fak-hriga faraha ku haya dad badan oo degan degmada Franklin. IMPACT waxay ka mid tahay hay’addo dhowr ah oo loogu tala-galey in ay dadka aan waxba haysan caawiyaan.
Waxaad IMPACT Com-munity Action kala xiriiri kartaa 614-453-1736 ama www.impactca.org. Gaar oo yaan lagaa buuxin!