Solskjaer Oo Go’aan Ka Aaday Aadista Bruno Fernandes Ee Waajibaadka Xulka Qarankiisa.

0
162

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu xiddiga Bruno Fernandes ka hor istaago aadista waajibaadka xulka qarankiisa Portugal bishan.

Portugal ayaa ka mid ah dalaka ku jira Liiska casaanka ah ee u baahan in ay ugu yaraan 10 maalin oo karantiil ah galaan dadka ka yimaada.

Xidhiidhka kubada cagta adduunka ee FIFA ayaa kooxaha u ogolaaday in ay diidi karaan in ay xiddigohooda u diidaan aadista waajibaadka xulalkooda sabab la xidhiidha xanuunka Korona iyo bandooyada uu adduunku ku jiro.

Ole Gunnar Solskjaer oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Wali maanu wada fadhiisan go’aana kamaanu gaadhin arintaas laakiin wax macno ah ma samaynayso hadii aad xiddiga waayaysid 10 maalin oo karantiil ah marka uu soo laabto”.

“Kooxda ayaa ah cida lacagta siinaysa xiddigaha sidaas darteed anaga ayaa qaadanayna go’aanka ku aadan tagista waajibaadka xullakooda wakhti xaadirkan”.

“Waxa aan doonayaa in uu Bruno diyaar noqdo kulanka Brighton, kulanka Europa League iyo Kulanka Tottenham kadib fasaxa xulalka”.