WARBIXIN:Donny van de Beek & 10-kii Saxiix Ee Ku Fashilmay Man United Casriga Premier Leageu.

0
138

Wakhtigii Donny van de Beek ee Man United ayaa u muuqda mid soo dhamaanaya muddo hal sano ka yar markii uu ku soo biiray kooxda.

Xiddiga Donny van de Beek ayaa ku soo biiay Man United xagaagii la soo dhaafay laakiin waxa uu haatanba warqada bixitaanka u gudbinayaa maamulka Man United si uu uga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska Daily Star ayaa sheegaya in uuna taabare Ole Gunnar Solskjaer doonayn saxiixa xiddiga khadka dhexe xagaagii arintaasna sabab u tahay in uu kaliya ku bilowday laba kulan oo premier League ah.

Kooxda Man United ayaa looga bartay saxiixyo taariikhi ah oo ay ka mid yihiin Cristiano Ronaldo, Peter Schmeichel, Roy Keane Iyo Jaap Stam.

Laakiin Man United ayaa ku fashilantay dhanka suuqa tan ilaa markii uu Sir Alex Ferguson Isaga tagay kooxda halka uu sidoo kale Sir Alex Ferguson la soo saxiixday xiddigo fashilmay intii uu tababaraha u ahaa.

Hadaba waxa la soo saaray kadib Donny Van de Beek 10-kii saxiix ee ku fashilmay kooxda Man United waxana aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 10-ka xiddig ee ku fashilmay kooxda.

1.Donny van de Beek:

Saxiixa xiddigan reer Holland ayaa keentay in ay dad badan su’aal ka waydiiyaan maamulka Man United marka oo eego in ay 8 bilood ka hor la soo saxiixatay xiddiga Bruno Fernandes.

Xiddigan ayaan ilaa haatan la ogayn halka uu ka galayo shaxda Man United maadama ay kooxdu markii hore buuday xiddigo khadka dhexe ku fiican waxana uu xiddiu ku dhibaatooday in uu wax kulamo ah u ciyaaro.

Van de Beek ayaa ka dambeeya xiddigaha Paul Pogba, Bruno Fernandes, Fred, Matic, McTominay kuwaas oo ah dookha tababare Ole Gunnar Solskjaer.

2.Angel Di Maria:

Si la mid ah Van de Beek, xiddiga reer Argentine ayaa wakhti khaldan yimid kooxda Man United.

Xiddiga ayaa ahaa saxiixii ugu qaalisanaa ee tababare Louis van Gaal waxana uu Man United yimid isaga oo ku guulaystay xiddigii ugu fiicnaa final-kii champions League.

Xiddiga ayaa gool qurux badan ka dhaliyay Leicester City kulankiisii ugu horeeyay taageerayaasha Man United ayaana filayay in ay heleen saxiix cajiib ah.

Laakiin xiddiga ayaa wixii intaas ka dambeeyay ku dhibaaatooday in uu qaab fiican soo badhigo isaga oo 12 bilood kadib isaga tagay kooxda kuna biiray PSG.

3.Radamel Falcao:

Man United ayaa qaab amaah ah kula soo wareegtay xiddiga reer Colombia kaas oo dhaafay wakhtigiisii fiicnaa ee kubada cagta.

Radamel Falcao ayaa Man United yimid isaga oo ka soo kacay dhaawac muddo dheer uu kaga maqnaa garoomada waxana uu u yimid Man United si uu ugu soo laabto maalmihiisii fiicnaa.

Laakiin xiddiga ayaan wax is badal ah samayn waxana ay keentay in uu isaga tago kooxda qaab amaah ahna ugu biiro kooxda chelsea oo uu dhankiisa ku dhibaatooday.

4.Alexis Sanchez:

Saxiixii Sanchez ayaa la odhan karaa waxa uu soo koobayaa fashilka dhanka saxiixyada ee kooxda Man United

Xiddigan ayaa ku jiray bilihiisii ugu dambeeyay ee heshiiskiisii Arsenal waxana lala xidhiidhinayay kooxda Man City kuwaas oo doonayay saxiixiisa.

Laakiin Man United ayaa si lama filaan ah meel uga soo booday xiddigana ku soo jiidatay musahar waali ah iyaga oo miiska u saaray lacag dhan 500 kun oo Gini todobaadkii.

Laakiin xiddia reer Chile ayaa kaliya 5 gool u dhaliyay 45 kulan oo uu ciyaaray taas oo keentay in ay qaab amaah ah ugu fasaxdo Inter Milan iyaga oo walib bixinaya qayb ka mid ah mushharkiisa.

5.Bebe

6.Mame Biram Diouf

7.Massimo Taibi

8.Gabriel Obertan

9.Kleberson

10.Eric Djemba-Djemba