YAAB!! Premier League Oo Liverpool Ka Badalay Garoonka Anfield Kadib Markii Ay Ku Dhibaatodeen Kulamadii Ugu Dambeeyay, Qaab Nooce Ah?

0
362

Premier League ayaa qaaday talaabo ka yaabisay taageerayaasha Premier League kadib markii ay Liverpool ka badaleen Garoonka Anfield.

Kooxda Liverpool ayaa si weyn ugu dhibaatootay garoonkeeda premier league kulamadii ugu dambeeyay iyaga oo la kulmay 6 guuldaro oo xidhiidh ah kulamadii ugu dambeeyay.

Burnley, Brighton, Man City, Everton, Chelsea Iyo Fulham ayaa dhamaantood Liverpool kaga badiyay garoonkooda horyaalka premier League kulamadii ugu dambeeyay.

Dhanka champions League Liverpool ayaa garoonka Puskás Aréna ku ciyaartay kulankii ugu dambeeyay ee tartanka iyada oo loo xisaabinayay garoonkooda.

Kadib guushii ay Reds ku gaadhay Puskás Aréna Premier League ayaa Liverpool ka badalay garoonkooda Anfield una badalay garoonka Puskás Aréna.

Bogga Premier League uu ku leeyahay Internet-ka ayaa ah mid dhamaan soo bandhiga xogata kooxaha premier League kana mid yahay in uu ku qoranyahay garoonka kooxaha.

Sidaas darteed Premier League ayaa Liverpool ka badalay Anfield uguna qoray garoonka Puskás Aréna