Mareykanka oo soo dhaweeyay shirka lagu waddo in uu Muqdisho uga furmo madaxda Soomaalida

0
406

Sabti, May, 22, 2021 ( HOL ) –  Qoraal ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Dowladda Mareykanka ayaa lagu taageerray shirka uu garwadeenka ka yahay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ee lagu waddo in uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Qoraalka ayaa lagu yiri ”Madaxda  Soomaaliya waa in ay ka faa’iideystaan fursaddan si ay iminka u dhameystiraan heshiis doorasho oo u wanaagsan shacabkooda iyo dalkooda. Ra’iisul Wasaare Rooble waxa uu haystaa taageeradeena buuxda,”

Qoraalkan ayaa daba socda war ka soo baxay beesha caalamka oo lagu taageeray shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee la filayo in saacadaha soo socda uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa shirkan hoggaaminaya kaddib markii madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu kol hore ku dhawaaqay in arrimaha doorashada uu u daayay Ra’iisal Wasaaraha.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com