Xiddigaha Man United Oo Haatanba Ogsoon Kulamada Lagu Badbaadin Kara Mustaqbalka Ole Gunnar Solskjaer

0
63

Xiddigaha Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay haatanba ogsoonyihiin in mustaqbalka tababare Ole Gunnar ku xidhanyahay labada kulan ee soo socda.

Man United ayaa ku jirtay qaab ciyaareed xun kulamadii ugu dambeeyay waxana uu cadaadis xoogan saaranyahay tababare Ole Gunnar Solskjaer kaas oo ay taageerayaasha kooxdu dalbanayaan in la caydhiyo.

Xiddigaha Kooxda Man United ayaa aaminsan in kulanka Atalanta ee champions League iyo kulanka Liverpool ee Axada dambe ay muhiim u tahay mustaqbalka tababaraha.

Ilo wareedyo ku dhaw wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay xiddigaha Man United ka war qabaan in uu Solskjaer haysto laba kulan oo uu mustaqbalkiisa ku badbaadin karo.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay xiddigaha Man United aaminsanyihiin in uu Solskjaer isaga tagi doono kooxda hadii ay badin waayaan labadaas kulan.