Liiska Kama Dambaysta Ah Ee Xiddigaha U Tartami Doona Wiilka Dahabiga Ah Oo La Shaaciyay

0
91

Wargayska reer Italy ee Tuttosport ayaa soo saaray Liiska 18-ka xiddig ee kama dambaysta ah ee u sharaxan abaalmarinta wiilka dahabiga ah ee la siiyo laacibka ugu fiican da’yarta 21 jirada ee horyaallada Yurub ugu sarreeya.

Horyaalka Premier League waxaa matalaya Xiddigaha Man United ee Mason Greenwood, Tottenham Bryan Gil iyo Bukayo Saka oo Arsenal ah.

Xiddiga Arsenal amaahda uga maqan ee William Saliba oo haatan jooga kooxda Marseille ayaa sidoo kale ku jira liiska xiddigaha u tartami doona  wiilka dahabiga ah ee sanadka 2021.

Xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Jude Bellingham ayaa sidoo kale ku jira Liiska xiddigaha kama dambaysta ah ee u tartami doona abaalmarinta sanadkan.

  1. Karim Adeyemi (RB Salzburg)
  2. Jude Bellingham (Borussia Dortmund)
  3. Eduardo Camavinga (Real Madrid)
  4. Charles De Ketelaere (Club Brugge)
  5. Gavi (Barcelona)
  6. Bryan Gil (Tottenham)
  7. Ryan Gravenberch (Ajax)
  8. Mason Greenwood (Manchester United)
  9. Daniel Maldini (AC Milan)
  10. Jamal Musiala (Bayern Munich)
  11. Nuno Mendes (PSG)
  12. Pedri (Barcelona)
  13. Roberto Piccoli (Atalanta)
  14. Yeremy Pino (Villarreal)
  15. Giovanni Reyna (Borussia Dortmund)
  16. Rodrygo Goes (Real Madrid)
  17. Bukayo Saka (Arsenal)
  18. William Saliba (Marseille).