Maxuu Jude Bellingham Ka Yiri Wararka La Xariirinaya In Uu Ku Biirayo Liverpool?

0
240

Qadka dhexe kooxda Borussia Dortmund ee Jude Bellingham ayaa hoos u dhigay wararka la xariirinaya in uu damacsan yahay in uu u wareego kooxda Liverpool .

Arintaan ayaa hawada ku laaleysa warar dhawaan tilmaamayay in laacibka qarka u saaran yahay in uu yimaado Liverpool waliba bisha January .

Si waliba , Bellingham ayaa calaamadda qosolka dhigay qoraal twitter-ka ah oo tilmaamayay in uu dhaw yahay in uu ku biiro Liverpool 

Bellingham ayaa maraya xaalad wacan waxa uuna ku soo biloowday dhamaan 16-ka ee Dortmund ciyaareen xilli ciyaareedkaan

Laacibkan 18-ka sano jirka ah una dhashay Ingiriiska ayay kooxda reer Jarmal ku qiimeysaneysaa in hishiiskiisa lagu bur burin karo aduun dhan 101 milyan oo euro .

Arintaan waxa ay u muuqataa in Bellingham uusan dooneyn in xilligaan uu ku deg dego tijaabo kale , waxaana kooxaha doonaya sidoo kale ku jira Man United iyo Chelsea