Warku Waa Cadyahay: Xiddiga Ku Guulaysan Doona Ballon d’Or-ka Sanadkan Oo La Shaaciyay

0
80

Karim Benzema ayaa ku guuleysan doona abaal marinta Ballon d’Or 2021, sida laga soo xigtay mid ka mid ah saaxiibkii Mohamed Henni.

Mohamed Henni ayaa sheegay sidoo kale in uu Lionel Messi gali doono kaalinta 2-aad iyada oo uu Robert Lewandowski ku dhamaysan doono kaalinta 3-aad.

Abaalmarinta ayaa la bixin doonaa todobaadyada soo socda iyada oo indhaha adduunka oo dhan la socdaan lana sugayo xiddiga ku guulaysan doona abaalmarinta sanadkan.

Karim Benzema ayaa ah xiddig ay dad badan u saadaalinayaan ku guulaysiga abaalmarinta marka loo eego qaab ciyaareedka cajiibka ah ee uu soo bandhigay labadii sano ee uu dambeeyay.