Rio Ferdinand Oo Tilmaamay Farqiga U Dhexeeya Man United & Liverpool

0
106

Rio Ferdinand ayaa soo koobay barbarihii Manchester United ay la gashay Atalanta oo ah koox ku jirta ‘jahawareer’ marka la barbar dhigo qaab ciyaareedkii Liverpool ee ‘xakamaynta’ ee kulankii Atletico Madrid.

Liverpool ayaa guul 2/0 ah ka gaadhay Atletico Madrid 24 saac kadib markii ay Man United bar-baro la gashay kooxda Atalanta champions League.

Red Devils ayaa laba jeer halka dambe ka timid kadib markii ay Atalanta laba jeer ku hor martay goolka xilli ayna Man United wali goosan tigidhkooda wareega xiga.

Dhanka kale Guushii Liverpool ay ka gaadhay Atletico Madrid ayaa la macno ah in ay Reds goosatay tigidhkeeda wareega xiga inkasta oo ay laba kulan hadhsanyihiin.

“Waxaan u maleynayaa haddii aad eegto farqiga, fiiri ciyaartii shalay,” Ferdinand ayaa u sheegay BT Sport.

“Ma doonayo in aan Man United meesha keeno oo aan kulanka Liverpool ka lumiyo Iftiinka laakiin waxa ay muujinaysaa farqiga u dhexeeya labada kooxood”.

“Haa waa Run, Atletico waxa ay ku ciyaartay 10 xiddig laakiin xitaa ka hor kaadhka cas, Liverpool ayaa ciyaarta maamulaysay”.

“Marka loo bar-bar dhigo kulankii United oo ahaa mid jahwareer ah oo ay doonaysay in ay kaliya dhibcaha hesho”.

Sii Akhriso: Hadalo Macaan Oo Aad Ku Odhan Kartid Gabadha Hadii Aad Doonaysid In Ay Ku jeclaato