Diogo Jota Oo Is Bar-Bar Dhigay Xiddigaha Mohamed Salah & Cristiano Ronaldo

0
309

Weeraryahanka Liverpool Diogo Jota ayaa shaaca ka qaaday farqiga ugu muhiimsan ee u dhexeeya saaxiibadiisa Mohamed Salah iyo Cristiano Ronaldo.

24-sano jirkaan ayaa la ciyaara labada nin ee heer kooxeed iyo heer caalami, waxaana uu leeyahay aqoon gacan koowaad ah oo ku saabsan tayadooda.

Isaga oo la hadlaya Sky Sports ayuu Ka yidhi Salah”“[Isagu waa ciyaaryahan weyn, heer caalami ah, wuxuu muujinayaa farsamadiisa aduunka xilli ciyaareedkan, waxa uu u dhalinayaa goolal madadaalo”.

“Goolal waaweyn iyo goolal shaqsi ah oo qurux badan, anaga ahaan waa mid noo fican, sababta oo ah waxa aan garoonka ku haynaa xiddig go’aamin kara ciyaarta, kooxaha naga soo hor jeeda waxa ay ogyihiin in ay is ilaaliyaan inta uu Salah ciyaarayo”.

Waxa uu taas barbar dhigay dareenkii ugu horeeyay ee uu ku sameeyay Cristiano Ronaldo markii ay u wada ciyaarayeen Portugal. Si kastaba ha ahaatee waxa uu qirtay in saaxiibkiisa ay isku xulka yihiin ka sareeyo Salah maadama uu heerka uu haatan ku jiro muddo dheer soo waday.

“Waxa aan sidaas dareemay markii ugu horaysay ee aan Ronaldo kaga garab ciyaaray xulka qaranka Waxana aan bar-bar dhigi karaa Salah inkasta oo uu Ronaldo Muddo dheer u ciyaarayay heerka ugu sareeya”.

“Marka ay garoonka ku jiraan waa halis, waxayna dhalin karaan gool waqti kasta, anigana taasi waa mid faa’iido badan leh, maadaama aan daawan karo waxna ka baran karo.”