Antonio Rudiger Oo Magacaabay Laba Xiddig Oo Chelsea Ka Caawin Kara Ku Guulaysiga Premier League Xilli Ciyaareedkan

0
179

Daafaca kooxda chelsea ee Antonio Rudiger ayaa magacaabay laba xiddig oo kooxda chelsea ka caawin kara ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa ku bilaabatay qaab ciyaareed cajib ah xilli ciyaareedkan iyaga oo hogaaminayay horyaalka kadib 14 kulan oo ay ciyaartay.

Laakiin Blues ayaa kaalinta 3-aad ku dhaadhacday kadib markii ay kaliya 5 dhibcood ka heshay 4-tii kulan ee ugu dambeeyay iyaga oo 6 dhibcood ka dambeeya Man City.

Rudiger ayaa sheegay in labada xiddig ee Mateo Kovacic & N’Golo Kante ay chelsea ka caawin karaan ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Labada xiddig ee Mateo Kovacic & N’Golo Kante ayaa kulankii Wolves ka soo laabtay dhaawac ay kaga maqnaayeen kooxda waxana ay muujiyeen muhiimadooda kooxda.

“Ma ahan wax fudud in aan uu Kante maqnaado muddo dheer”ayuu Rudiger yidhi.

“Si la mid ah Kovacic, waxa ay soo laabteen wakhti fiican, waana arin muhiim ah sababta oo ah kooxda way u baahantahay iyaga wayna naga caawin karaan horyaalka”ayuu sii raaciyay.