Barcelona Oo Heshiis La Gaadhay Saxiixa Weeraryahan Cusub

0
354

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiiska shaqsiga ah la gaadhay weeraryahanka Alvaro Morata sida laga soo xigtay Idaacada Radio Catalunya.

Sidoo kale kooxda Barcelona ayaa qarka u saaran in ay Juventus kala heshiiso saxiixa xiddiga reer Spain.

Kaliya talaabada ka hadhay dhamaystirka heshiiska ayaa markaas noqon doonta in ay heshiis la gaadho kooxda Atletico Madrid oo iska leh xuquuda xiddiga maadama uu amaah uga maqan yahay.

Kooxda Juventus ayaa diyaar u ah in ay fasaxdo xiddiga laakiin waxa ay Barcelona ka codsatay in ay wakhti u siiso in ay helaan badalkiisa ka hor inta ayna u ogolaan in uu ka tao kooxda.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay Barcelona bixi doonto lacag dhan 40 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa xiddiga 29 jirka ah.