Chelsea make progress in Antonio Rudiger’s contract talks

0
135

Antonio Rudiger ayaa lagu soo waramayaa inuu haatan doonayo inuu sii joogo Chelsea, iyadoo Blues ay horumar ka sameysay wadahadalada heshiis kordhinta ee ay kula jirtay xiddiga reer Germany.

Heshiiska daafaca dhexe ee chelsea ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana lala xidhiidhinayay kooxaha Real Madrid, Man United iyo PSG kuwaas oo doonayay saxiixa xiddiga.

Rudiger ayaa la rumaysnaa in uu doonayo in uu isaga tago kooxda waliba raadsado koox mushahar badan siisa laakiin sida laga soo xigtay wargayska Bild, Xiddiga reer Germany ayaa doonaya in uu sii joogo Chelsea.

Wargayska ayaa sheegaya in ay labada dhinac haatan ku jiraan wadahadalo horumar leh iyada oo ay Blues isku diyaarinayso in ay dalab cusub miiska u saarto xidiga.

28 jirka ahaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan isaga oo kooxda u saftay 27 kulan tartamada oo dhan isla markaas ku lug lahaa 4 caawin iyo 2 gool.