Baydhabo oo Maanta lagu qabanayo doorashada kuraastii ugu dambeysay ee taalay magaaladaasi

0
214

Axad, Janaayo, 30, 2022 (HOL) – Waxaa Maanta lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ay ka dhacdo doorashada shan kursi oo ka mid ah kuraasta Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddiga hirgelinta doorashada maamulka Koonfur Galbeed ayaa shalay soo gabagabeyay diiwan gelinta iyo shahaado siinta Musharaxiinta ku tartameysa kuraasta Maanta doorashadooda ka dhaceyso magaalada Baydhabo.

Qabanqaabadii ugu dambeeysay ee qabaahada doorashada ayaa si weyn looga dareemaya gudaha magaalada Baydhabo, waxaana kuaasta goordhaw dorashadoodu bilaaban doonto kala ah, HOP 188, HOP 185, HOP 175, HOP 159, HOP 177.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah maamulada qabtay dooashada kuraasta ugu badan marka laga soo tago maamulka gobolada Waqooyi ee Soomaaliland, waxaana kuaasta maanta Baydhabo lagu dooran doono ay noqonayaan kuwii ugu dambeyay ee deegaan doorashadoodu tahay Baydhabo.

Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale noqday maamulkii ugu horeeyay ee shaaciya doorashada kuraasta taala deegaan doorashada labaad ee maamulada dalka oo heshiisku ahaa in maamulka kasta doorashada ay ku qabtaan laba magaalo marka laga reebo maamulka Soomaaliland oo Muqdisho kaliya ku qabanaya doorashadooda, waxayna Koonfur Galbeed  dhawaan shaacisay doorashada 13 kursi oo taala magaalada Baraawe.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Onlinejamaal@hiiraan.com