Raysal wasaare Rooble oo maanta u ambo baxay dalka Imaaraatka Carabta

0
272

Axad, Janaayo, 30, 2022 (HOL) – Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta  u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta todobaadyo kadib markii uu sheegay in xukuumadiisu ay dib u hagaajinayo Xiriirka Imaaraadka .

Waa safarkii ugu horreeyay ee uu raysal wasaaruhu ku tagayo dalka Imaaraadka Carabta tan iyo markii xilkaan loo magacaabay.

Safarkiisa ayaa kusoo aadaya xilli lagu jiro arrimo doorasho, khilaaf culusna uu ka dhaxeeyo isaga iyo madaxweyne Farmaajo.

Imaaraatka Carabta oo lagu tiriyo dalalka faro galinta ku leh siyaasada Soomaaliya, ayuu raysal wasaare Rooble dhawaan iska diiday in ay dano gaar ah ka leeyihiin caawinta  Soomaaliya.

Rooble ayaa Imaaraadka ka raalli galiyay Lacagtii uu sirdoonka Soomaaliya ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho bishii April 2018, isagoo ballan qaaday in lacagtaas dib ugu celinayaan Imaaraadka Carabta.

Dhinaca kale, warar kale oo aan xogtooda helayno waxay sheegayaan in Imaaraatku uu u yeeray madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo la sheegayo in ay qeyb ka yihiin safarka Rooble uu Dubai ku tagay.

Imaaraadka Carabta ayaa xiriir wanagsan la leh labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland, isagoo ka caawiya mashaariic ay kamid yihiin tababarada ciiddamadooda.

Dadka falanqeeya siyaasada Soomaaliya ayaa rumaysan in Imaaraadka uu isku dayayo inuu saameyn ku yeesho doorashada Soomaaliya si meesha looga saaro madaxweyne Farmaajo.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
abdiwali.sheikh@hiiraan.com