Ayaan Daran Qaybtii Koowaad

0
323

Asli waxay ahayd gabadh aad iyo aad u qu-rux badan, baarinimadeeda iyo farxaddeeda joogtada ahina ay soo jiidatay kal-gacalka gaar ah ee Waalid-keedu u qabaan, halka ay jaarka iyo qaraabadeedu si gooni ah carabka ugu ha-yaan.
Wuxuuna ahaa guriga Asli gole ay ku kulmaan Gabdhaha da’deeda ahi, iyagoo u soo xiisi jiray Sheekada Asli oo markey bilowdo dadkoo dhan ka qoslin jirtay. Asli in kastoo ay 16 jir ahayd, hadana meel fog bay wax ka arki jirtay, waxayna la sheekay-san jirtay dadka ka da’da wayn, waxaana loo yaqaan “Farxaan”, waayo iyadoo cadhaysan weli lama arag, cidina ma sheegin.
Waalidka Asli waxay siin jireen wax Alla wixii ay u baahato, waxay aad u jecleyd Riwaayadaha, iyo Shineemoyinka Hindiga ah, taas oo aanay markay Suuqa tagayso iyo markay ka soo noqonaysaba cidina aanay weydiin jirin halka ay tagayso, waalidkeeduna uu siiyay xorriayd buuxda, iyagoo kalsooni weyn ku qaba in aanay wax xumaan ah u soo jiidayn.
Asli oo dhigan jirtay dugsiga dhexe ee macalim Jaamac may lahayn saaxii-bad u gaar ah, hablaha xaafadooda oo dhan iyo kuwa ay dugsiga isku bar-teen dhammaantood way jeeclaayeen guriga ayayna ugu iman jireen.
Cali Amuur waxay walaalo ahaayeen Asli, wuxuuna ka waynaa sad-dex sanno iyo saayid, maadaama Amuur iyo Asli ay ahaayeen laba da’oo aan loo dhaxeyn, waxay isku hayeen kalgacayl wada dhalasho kii ugu weynaa. Amuur wuxuu galay Xalane, wuxuuna ka mid noqday Macallimiinta (PP) waxaana loo beddeley Degmada Beledweyne. Inkastoo aanu weligii ka bixin Amuur Xamar, ha-dana ma ahayn dadka isku dhejiya goobtii ay ku dhasheen oo wuxuu jeclaa in uu gobolada dalka oo dhan tago.
Markii uu Cali-Ammuur u ambabaxayey Beled weyn, waxaa sii sagooti-yey reerkii oo dhan waxaana u sii duceeyey lana sii dardaarmay labadiisa Waalid, Asli aad bay uga xumayd in Am-muur ka tago, waayo walaal kale oo wehel u noqda ma ay haysan oo aan ka ahayn Aamina oo 3 jir ah. markii baabuurkii dhaqaaqay dhammaan qoyskii gacanta ayay wada luleen iyago leh nabad gelyo soo noqo adoo na-bada. “Hooyo jaaw.. Asli Jaaw .. Aabbe Nabadge-lyo” buu si farxad leh u yidhi Cali Ammuur.
Asli oo qolseysa baa cod aanay hubin in uu maqlay iyo in kale ku tidhi “Walaalo Cali, Beerlula igu salaan”, Cambaro oo ahayd hooyadeed baa intay Asli gacanta soo qabatay ku tidhi, “Naa Beerlula lahayne dadkii kaa tegye ina keen”. “Hooyo macaan markii Dugsiga la xiro Ammuur baan u tagayaa iyo isagaa imaanayee maxaad ka dooni”, oo Asli iyo hooyadeed ku murma-yaan ayaa Aw Jaamac oo ahaa Odaygii reerka intuu tagsi joojiyay ku yidhi, “Soo dhakhsada gabalkii dhacyee”.
Dugsiga Macalin Jaamac, Asli waxay ku baratay Gabadh ugu yaraan shan sanno ka weyn oo la yidhaahdo Canab oo aad ugu dheggan dhaqankii hore, loona og-goleyn Gabadhu in ay guriga ka baxdo amar la’aan, haddii ay soo daahdana ul iyo suunka Aabbaheed la dhici jiray. Cadaadiskii Canab qoysku ku hayey kamuu ilaalin in ay samayso xumaanta ay waalidkeedu ka ilaali-nayay.
Canab iyadoo mar mar-siinyo macquul ah sheeganeysay bay ballan la dhigan jirtay rag aan mustaqbalkeeda dan ka lahayn, waxayna gaadhay heer ay qaadka haddii aanay helin xayraanto, sigaarkana midba mid bay u shidi jirtay. Shariif Ma-cow iyo Xaajiyo Xaliimo oo ahaa waalidkii Canab waxba kama ogayn amuuraha dhacaaya, waxayna la ahayd maadama aana cidna gurigooda soo galin karin oo loo ogolayn in gabad-hoodu bed qabto.
Asli waxay tegi jirtay guriga Canab oo reerkooga oo dhan ay is barteen. Ca-nabna sidoo kale ayey ahayd. Maalin maalmaha ka midi ah waxaa Canab iyo Asli dhex maray doodda soo socota:
-Walaal Asli Horta Saaxiib ma leedahay?
-Saaxiib baa! Maya, ma lihi, adiguna?
-Ilahaay Saaxiib la’aan igama dhigo.. sannadkii hore waxaan saaxiib la ahaa wiil magaciisa la yiraahdo Axmed oo Sarkaal ahaa, waanu is dagaalnay, kadibna waxaan la saaxiibay wiil kale oo Macallin ah, isna waan heshiin weynay san-nadkana waxaan bartay wiil kale oo caafimaadka ka shaqeeya oo ah wiil aad u dabci fiican, waana aad taqaanaa waa wiilkii galabtii aan imtixaanka u soo noqoneynay albaabka noo taagnaa oo aan tagsiga wada raacnay, kadibna labadayadu aan la gudub-nay waxaana magaciisa la yidhaahdaa Khaliif.
Asli waxaa ka soo had-hay la yaab iyo dhafoor hays, faraxii lagu yaqaanayna wuxuu isu beddelay yaab, waayo kama ay fileyn saaxii-badeed barnaamijka ay guda gashay, Asli oo yaab-ban baa waxay tidhi:
-Canabey goormaad Khaliif is guursaneysaan?
-Waxaan is guursaneynaa sannadkan dambe, markaan fasalka sid-deedaad ka baxo.
Khaliif oo ahaa nin daacad ah markii uu ogaaday taariikhdii Canab lana kulmay raggii ay hore isu yaqaaneen buu go’aan ku gaarey in uu ka hadho, inkastoo aanu rasmi ahaan ugu sheegin, wuxuuna reerkooga ku odhan jiray ma joogo dhaha haddii ay isagoo guriga ku jira ti-maaddo. Canab waxay maalintii dambe ku soo kadisay Khaliif oo aanay ka qasnayn oo la jooga gabadh Canab ay hore sheekadeeda u maqashay, ayna ku tuhunsanayd in Khaliif saaxiib la yahay.
Canab oo indhaheeda ilmo ku soo joogsatay oo cadhaysan gurigii dib uga noqotay. Khaliif oo qoslaaya baa intuu gabadhii soo kaxeeyay iyada iyo Canab is baray, markaa kadibna Canab buu dibadda ula soo baxay, wuxuuna daaradda uga sheegay in uu yeeshey saaxiibad cusub, iyadana wuxuu ka codsaday in ay ka hadho oo mar dambe ayna gurigiisa iman.
Canab oo kacsan baa tagtay gurigii Asli, waxayna u sheegtay wixii qabsaday, Asli way qososhey, waxayna ku tidhi “Maxaa ka macna ah ma nin baad waayeeysaa. Asli waxaa fikraddeeda ku soo dhacay, gabadhu waaba yar tahaye, maxaa badaa geliyay may waxba-rashadeeda iska wadato. Canab waxay Asli u soo martay in ay gurigooda u raacdo, hase yeeshe Asli hooyadeed ayaa maalin suuqa ku maqnayd guriguna cidluu ahaa.
Canab oo laamiga tagsi Hodan geeya ku sugeysa ayaa waxaa loo joojiyey baabuur ay saaran yihiin laba wiil oo midkood ay si fiican isku yaqaanaan, Ca-nab wey faraxday, “Haye Cali”, ayey tidhi inta ay gaadhigii hore u fuushay, Cali wuxuu u sheegay inuu dhowr bilood raadinaayey, wuxuuna baray ninkii la socdey oo magaciisu ahaa Caddaawe, markii cabbaar la kaftamayey oo loo dhowaaday gurigii Canab buu Cali yidhi, “Canabey wali ma sidii baa gaadhka lagaaga hayaa”. Intaanay jawaabin buu ku adkeeyey in caawa iyada iyo gabadh kale oo saaxiibadeed ah isaga iyo Caddaawe ay marti qaadeen.
Canab waxay tidhi, “Anigu waa imaanayaa, hase yeeshee saaxiibadday

waa miskiinad aan balwad lahayn, umana maleyn mahayo haddii ay i soo raacdo in ay faa’iido idiin leedahay”. Caddaawe ayaa qoslay oo yidhi “Anigu waxaan ka helaa gabdhaha masaakiinta ah ee aamuska badan bal adigu gacan-tayda ku soo hubso aad aragtid sida aan u aqaan sida gabdhaha ugub loo godlee”.
Canab baa Cali oo u hinqaday inuu jawaabo hadalkii ka dhifsatay oo tidhi “Oo ma cabsi ga-lineysaa gabadha”. “Xamar xisaab baa taal”, buu ku war ceshey Cad-daawe. Cali oo muddo aamusnaa baa yidhi: “Canabeey inta aad gabadh shaki ku jiro aad noo soo kaxaynaysid, maad mid la hubo noo keentid”. In-taanay Canab hadlin ayaa Caddaawe yidhi “Anigu gabadha aan tii Canab sheegtay ahayn ma rabo”.
Cali iyo Caddaawe baabuurkii bay kaxaysteen, waxayna ku yidhaahdeen Canab, Baay Baay.. Waa inoo habeen dambe labada saac iyo halkiii”.
Goor Casar ah baa Ca-nab is dul taagtay Asli oo hurudda, markaas bay ku shiday Raadiyihi oo ay ka socotey hees macaan oo Magool qaadeysay, markay toostay bay ku booday labada daanna ka dhunkatay oo ku tidhi; “Iska waran saaxiib berya-han kuma arage”. Sow innagii doraad wada joogney,” Bey Asli ugu jawaabtay waxaana dhex maray dooddan:-
-Asliyey.. Caawa sidaan filayo waxa barnaamij ah ma lihid bay ila tahay.
-Barnaamij caynkaas ah ma lihi, waxaan doonayaa in aan soo booqdo Habar yartey oo deggan Kaaraan.

– Oo maxaa Karaan fogaantiisa kugu wada tagsiiba heli meyside.
-Koryeeri baan ka raacayaa Afar-iridood. Canab oo ka baqeysa in hadalkeeda la maqlo baa intay ku soo dhowaatay Asli ku tidhi, “Saaxiibey haddii aad ogaan lahayd caawa barnaamijka aan inoo hayo waad qosli lahayd” Intaanay hadalkii dhammeystirin baa Asli farxad la soo booday oo tidhi” Ma riwaayad fiican baa socota?” “Maya riwaayad maxay qiimo leedahay.. Waxaan shalay subax la kul-may wiil aan aad isugu dheer nahay, muddo badanna aan is raadinaynay, caawa ayuuna labadeenaba na casuumay, wuxuuna wataa Baabuur, wuxuuna ina geynayaa Jungal”. Asli dhugmo uma lahayn hadalkii Canab waxaa mad-axeeda ku wareegayey, oo haddii saaxiib-keed casuumay may tagto, maxaan anigu dhexdooda ka samaynayaa… “Anigu ma socdo ee kaligaa tag”, ayay Asli jawaab niyadda ka soo go’day ku tidh. Canab ereygaas aad bay uga naxday inkastoo aanay muujin, waxayna tidhi, “Walaal macaan Asli, jilbahaan ku haystaa, ha i ceebayn, waan ku baryayaaye, ballan ayaan qaaday, maxaa ku jaban… aniga iyo saaxiibkey waxaan garanay in aan ku casunno.. waxba ha ka biqin, waa loo baahan yahay in aan saaxiibkaa barto adna keyga baratid”.
Asli intii hadalka Canab ay dhegey-saneysay bay go’aan qaadatay iyadoo leh, mar haddii saddex qof aad tihiin wax xu-maan ahi dhici maayaan ee saaxiibadaa raac yaanay kaa caroone.
-Waa tahay.. waa imisada balantu?..
-Siddeeda Caawa…ee waqtigii wuu dhow yahaye dhaqso u lebbiso. ■