Dr. Maxamed Jaamac Xaashi

0
297

Dr. Maxamed Jaamac Xaashi wuxuu ka mid yahay dhakhaatiirta fara ku tiriska ah ee Soomaali-yeed oo ku nool magaal-ada Columbus . Wuxuu ka howl galaa Urgent Care-ka Morse Road ku yaal. Waa dhakhtar aad u deg-gan , af-gaaban, dhagey-stana bukaanka uu ku daaweeyo xaruntiisa Ur-gent Care oo ay wada leeyihiin dhakhtar kale oo Soomaali ah oo la yiraa-hdo Dr. Cawaale.
Dr. Maxamed wuxuu haqab tirey baahida bulsho Soomaaliyeed caafimaad ahaan, gaar ahaan dadka aan luqadda Ingiriiska si fiican ugu hadli karin oo u badan waayeelka, hooya-ooyinka iyo dhallaanka. Maanta waxay awood u leeyihiin in ay la kul-maan dhakhtar waayo arag ah, oo afkooda ugu sheeg-taan baahidooda caafi-maad, halka isbitaallada kale ay sugi jireen 4-6 saacadood turjubaan uga turjuma dakhtarkaas.
Dr. Maxamed iyo Dr. Cawaale waxay ballariy-eeen adeeggooda caafi-maad, waxayna ka fureen isbitaal kale dhinaca gal-beedka magaalada (west side) ee Georgesville Rd. Gaar oo yaan lagaaga hor-marin. ♥