Heerka Waalidka Ku LeeyahayKobcinta Aqoonta Ardeyga

0
322
Raxmaan Geelle Ducaale

W/Q. C/Raxmaan Geelle Ducaale
Anagoo ka tusaale qaadanayna daraasaado waxbarasho oo horey loo sameeyey, kuwaasoo ku saabsan heerkee buu waalidku ku leeyahay sare u qaadidda waxbarashada ubadka? Ayaan qormad-eyda ku soo bandhigayaa dhaliilaha guud ee waali-dak, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed ka hortaagan iney ubadkoodu horumar lixaad leh ka sameeyo dhi-naca waxbarashada. Dhaliilaha ugu weyn waxey yihiin:
1-Isku kalsoonaan la’aanta waalidka oo ah in waalidka aqoontiisa fa-hameed ee luuqaddu yar tahay, iskana dhaadhici-yaan in uusan marnaba caawin karin ardeyga.
2-Xiriirka waalidka iyo ilmihiisa oo xun dhinaca waxbarashada, waxaa laga yaabaa in aabaha ama hooyadu aysan la socon arrimaha waxbarasho ee ardeyga, ardeyguna uusan la socodsiin halka waxba-rashadiisu marayso, maadaama ilmuhu aamin-san yihiin in waalidkood wax ku kordhin Karin.
3-Xiriirka waalidka iyo dugsiyada oo hooseeya. Waalidka waxaa laga yaa-baa in uusan hore u gelin dugsiga carruurtiisa dhi-gato, aqoonna magacyada macallimiinta carruurtiisa wax u dhiga, kana qeyb gelin shirarka loogu yeero is la kulanka waalidka iyo macallimiinta, weligiina la xiriirin maamulka iskuulka illaa arrin weyn ay dhacdo maahee.
4-Geeddiga badan ee qoysaska Soomaaliyeed. Waxaa laga yaabaa in ard-eyga uu ka dhigto afar illaa shan dugsi oo kala duwan, amase kala magaalo ah uu ka dhigto fasallada dugsiyada hoose ama dhexe oo uu ardeygu ku jiro hadba iskuul cusub, macallin cusub iyo deris cusub taas oo jahawereer waxbarasho ku rideysa ardeyga
5- Mashquulsanaanta Waalidka, oo ah waalidka oo haba yaraatee aan waqti u hayn ilmihiisa dhi-naca waxbarashada in mar maalintii la fariiso, haddii ay saamixi weydana maal-maha week-ends ka ah hadduu waqti yar hayo la fariisto.
Ugu damabeyn dhaliila-haas aan kor ku xusay waa qaar bulshadeenna haysata, ma lihi dhammaantood, ee fadlan aan isa saxno si aan u caawinno carruurteenna