QISO CAJIIB AH: DHOWRSANAANTIISA BUU ILLAA-HAY KU DHOWRAY

0
356

Waxaa ka Sheekeeyey sheekhadan Sheekh Dr. Maxamed Curayfi, wuxuuna ku bilaabay si-datan: Waxaa jirtay arday iskuul dhigata. Fasaxii waxbarashada markii la gaaray ayey isku waafaqeen inay fasaxa tagaan mid ka mida Wa-damada Reer Yurub, si ay fasaxooda ugu soo qaataan halkaas, waxayna ahaay-een saddex wiil oo dhallin-yaro ah oo u dhashay wad-damada Khaliijka.
Dhallinyaradii waxay tageen dalka Iswidan oo ka mid ah wadamada Yu-rub, waxayna ka kiraysteen Hotelkii ma-gaalada ay tageen ugu qaalisanaa. Hal habeen markay seexdeen Hotelkii ayey go’aansadeen iney tumasho tagaan. Tumasho waxaa laga wadaa Baarar iyo in ay doontaan dumar ay waqtiga la qaataan, hase yeeshee wiil ka mid ah wiilashii oo ahaa wiil lagu soo tarbiyeeyay Illaah ka cabsi ayaa ku diiday fikirkaasi, wuxuuna yiri:- “Walaalayaal Illaah ka baqa oo Masjidka aynu aadno Diintana aan barano” Balse Labadii kale way ka diideen ha-dalkiisa waxayna ku yiraahdeen “Reer Baadiyo ayaad tahay oo waad dambeysaa” Halkii ayey uga tageen wiilkii, una doonteen tumasho iyo qamri. Xu-maan iyo Khamro iyo wax walbana wey soo sameeyeen habeenkaas,
Markey soo laaban rabeen ayey is weydiiy-een waxay ka samayn doonaan, iyagoo ka baqayey in uu sheegi

doono markay ku noqdaan wadamadoodii Khalliijka. Waxay garan waayeen waxay sameeyaan?
Mid baa yiri aan la heshiino Naagtii aan la tumanay caawa oo ahayd midda ugu quruxda badan kalaabka ay joogeen, waxay labadii wiil isla garteen in ay gabadhaan saaxiibkood u dhukaami-yaan, caawana ku daraan. Gabadhii ayaa hotelkii ku soo garaacday wiilkii oo hurda, markuu ka furayna horey ayey qolkii hore u soo gashey. Sheeko yar ka dib ayey si aad ah isugu daydey in ay xumaan iyo fisqi la sameyso balse wuu diiday.
Markuu gabadhii maaro u waayey ayuu ku yiri “Abaayo, iga raalli ahoow, waxaan kuula tu-man waayey waxaan qa-baa xannuunka AIDS-ka” Markaasay waydiisey inta sano oo uu qabo xanuunka, isagoo been u sheegaya si ay uga tagto ayuu yiri “Waxaan qabaa hal sano” Intay si fiican u fiirisey ayey tiri “Anna waxaa qabaa saddex sano!!”
Markuu intaa maqlay ayuu wuxuu soo xasuustay hadalkii Nabiga CSW oo ahaa “Meel kasta oo aad joogto Illaah ka Baq”. Waxaana la sheegay in labadii saaxiib ee kale AIDS u dhinteen saddex sano ka dib! ■