Tababaraha xulka Masar ee ay da’doodu ka hoosayso 23 jirka oo doonaya in Salaax uu u

0
316
Waxaa suuragal ah in weerraryahanka kooxda Liverpool Maxamed Salaax loo
qaato inuu u dheelo xulkiisa Masar ciyaaraha Olympic-ada ee Tokyo ee 2020

Tababaraha xulka Masar ee ay da’doodu ka hoosayso 23 jirka, Shawky Gharib, ayaa sheegay in weerrarya-hanka kooxda Liverpool Maxamed Salaax uu ya-hay dookhiisa koobaad ee ciyaartoyda da’da weyn ee sanadka soo socda uu doonayo inuu ku daro ciyaaraha Olympic-ada xulkiisa, kuwaas oo lagu qaban doono magaada Tokyo.
Masaarida ayaa waxa ay u soo baxeen ciyaaraha kubadda cabta ee tartanka Tokyo kaddib markii ay ku guulaysteen tartankii ci-yaartoyda ay da’dooda ka yartahay 23-ka sanadood ee Qaramada Afrika ee lagu qabtay isla dalkaas.
Markii xul uu u soo baxo ciyaaraha kubadda cagta ragga ee Olympic-ada waxaa tartankaasi lagu koobaa ciyaartoyda ay da’dooda ka yar tahay 23- ka sanadood hasayeeshee waxaa loo ogolyahay xu-lalka inay ku soo darsadaan saddex ciyaartoy oo waa weyn oo ciyaarahaasi kala qeybgala.
 Maxamed Salaax oo loo aqoonsaday inuu kamid yahay boqolka qof ee ugu saamaynta badan caalamka
 Maxamed Salaax oo ku guulaystay xidigga Afrika ee CAF
 Maxamed Saalax oo ku guulaystay abaal-marinta ciyaaryahanka sannadka ee qaaradda Afrika

“Tababaraha kooxda kubadda cagta ee Liver-pool, Jurgen Klopp, ayaa todobaadkii la soo dhaafay waxa uu shir jaraa’id ka sheegay in uusan qof ka socda Masar kala hadlin naadiga in Maxamed Sa-laax loogu yeero inuu ka qeybqaato tartanka Olym-pic-ada 2020-ka,” Gharib ayaa waxa uu sidaasi u sheegay Kanaal ciyaaraha lagu baahiyo oo Masar laga leeyahay.
“Hagaag haatan aniga ayaa halkan uga sheegaya in Maxamed Salaax uu yahay dookheyga koobaad, wanaanan u baahanahay in uu Tokyo nala aado.
“Waa suragal inaan u yeero mid ama laba ciyaar-toy oo ay da’doodu wayn tahay, welina arrintaas waan ka fakarayaa hasay-eeshee haddii Liverpool ay diido inay Salaax soo dirto, iskuma dayi doono in qof kale aan ku daro liiska.
Tartanka kubadda cagta ee ciyaartoyda ragga ayaa waxa uu socon doonaa laga bilaabo 24-ka bisha July ilaa 9-ka bisha Agoosto ee sanadka soo socda taas oo ka dhigan in Salaax uusan dheeli doonin ciyaaraha furitaanka Horyaalka Ingiriiska ee xilli ci-yaareedka soo socda.