U Codee Shayla Favor xubin Guddiga Magaalada
(City Council Member)

0
178

Shayla Favor waxaa la magacaabey gudiga Magaalada Columbus bishii January ee sannadkan. Waxayna buuxisay booskii ay banney-sey Jaiza Page oo loo magacaabey Xaakim. Ms. Favor waxay horey uga soo shaqeysay oo ku xigeen u ahayd Xeer ilaaliyaha magaalada Columbus Zack Klein.
Shayla waa qareen howl kar ah oo wax badan ka soo qabatey xoo-jinta sharciga dhinaca deegaanka, kuna guuleysatey kiisas badan oo shirkado iyo rag jagooyin culus-culus haya oo kuna xad gudbey sharciga deegaanka.

Waxay qortey dhowr hindise sharciyeedyo oo ku saabsan guryaha maran oo aan la deganayn iyo kuwa la dayacay. Markan waa madaxa qareennada Co-lumbus. Mrs. Favor waa xaas uu qabo Mr. Corey oo ah maamulaha Suuq geynt OSU. Waxay ku noosha-

hay bariga magaalada Co-lumbus.
Mar aan wax ka waydii-nay sida ay u caawinayso Xaafiisyada looga adeego Soomaalida oo dhaqaale la’aan soo wajacday waxay ku jawaabtay “waxaan diyaar u ahay in aan caawiyo dhallinyarada soo koraysa, xoogana saaro waxbarashada iyo wixii la xiriira”. ■