Madaalayaasha Columbus

0
321

Bashiir Geelle

Bashiir Geelle Waa aabbe Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Columbus illaa iyo 1996kii. Bashiir waa aqoon yahan sannad-kan soo socda 2020-ka ka qalin jabinaya OSU sha-haadada koowaad ee cilmiga Istaatitikiska loona yaqaan (data science), Bashiir markuu arkey dhal-linyaro badan oo jecel cayaaraha ayaa wuxuu abaabulay tartan fasaxa xagaaga (spring break) ka dhaca magaaaladan. Bashiir isaga iyo saaxii-badiis ayaa ku bixiyey la-cagtooda kirada garoonka tartanka ka dhacayo, si uu u bilowdo tartankii ugu horreeyey 2000kii ga-roonka kubadda cagta ee Busch Blvd.
Garoonkan waxaa ku tartama sannad walba 36 kooxood oo ka kala yi-maada gobollada Maraykanka iyo Canada. Waxaa shanta maalmood oo cayaaraha socdaan u soo daawasho taga kumanaan kun Soomaaliyeed oo ka kala yimaada daafaha dalka Mareykanka iyo Canada oo kala taageeraya kooxa-hooda.Intaas waxaa dheer waxaa la qabtaa habeenka jimcaha inta ay cayaaruhu socdaan xaflad loogu ma-had celinayo dhallinyarada, taageerayaasha iyo deeq bixiyayaasha u huray naftooda iyo maalkoodaba in ay qabsoonto tartankaan oo loo yaqaan “CISCUP”. Waxaa laga wada daawa-daa Dalmar tv, sidoo kale waxaa ka faallooda VOA, BBC iyo SNTV. Ka soo qayb gal oo ku xayeysiiso ganacsigaaga kumannaan qof oo gudaha iyo dibadda ka daawaneysa.

Safiyo Yoonis Jaamac
(Safiyo Tusmo)

SafiyoYoonis Jaamac oo ku magac dheer (Safiyo Tusmo) waa hooyo Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Columbus illaa iyo 2001kii, markaas oo ay ka soo guurtay gobolka New York, magaalada Syracuse. Safiyo waa hee-saa caan ah oo aad u cod macaaan, codkeeda dananaya waxaa u sii dheer in ay tahay jilaa caan ah oo wax ka jila riwaayadaha iyadoo mar walba u tilmaameysa hab-laha yar yar ee soo koroya dhaqanka wanaagsan ee ay lahaan jireen gabdhihii soomaaliyeed ee hore, kana waanisa dhaqam-mada xun.
Safiyo waa abwaanad curisa gabayada, kuna luuqeysa gabayada mararka qaarkoodna waxaad leedahay waa ay ka wanaagsan tahay ragga marka ay gabyeyso. Safiyo Tusmo waxay dhigtaa filimmada aad u qosolka badan oo bulshada loogu tilmaamayo xagga guurka, khiyaamada ragga u geystaan hablaha iyo kuwa wadaninimada, waxayna caan ka tahay fankoodu meel walba oo ay Soomaali ku nooshahay . Safiyo waxaan wareystay iyadoo haatan ku sugan dhulkii hooyo, waxayna ii sheegtey in ay jeceshahay in ay caawiso waxna u uruuriso dadka danta yar ah ee ku dhaqan dhulkeen-nii. Waxaan leenahay safiyo halkaas ka sii wad wanaagga oo soo noqo adoo nabad ah

Sowdo Maxamed Faarax

Jamacadda Ohio State University (OSU), iyadoo baratey Suugaanta Luqadda Ingriiska (English literature), haatanna waxay isu diyaarineysa in ay bilowdo shahaadada labaad oo dooneyso in ay ku barato cilmiga ganacsiga iyo maa-mulka (Master of Business and Administration, MBA).
Mar aan weydiiyey waxa ay ku hamineyso in ay qa-bato mustaqbalkeeda, waxay tiri “waxaan itaalkeyaga iyo awoodeyda isugu geynayaa in aan magaalo ahaan iyo gobol ahaanba ka qeyb qaadanno siyaasadda iyo maamulkaba”.Sowdo Maxamed waa aqoon yahanad da’ yar oo ku nool magaalada Colum-bus tan iyo 1998-dii, markaas oo ay qoyskeedu ka soo guureen mgaalada Dal-las TX. Sowdo waxay sha-haadada koowaad ka qaadatey Waxay intaa raacisey “waan ka gaabiney magaalooyinka kale oo Soomali naga tira yar ay ku nool yihiin sida Seattle iyo Maine oo laga soo doortey xubno matala Soomaalida.
“Waan in aan soo saarnaa dhowr qof Soomaali ah oo xil ka qabta gobolka Ohio iyo magaaladan Columbus. Haatan waxaan u ololeynayaa sidii Mr.Maxamuud Jaamac oo ku magacdheer Kaafi Farey ku soo bixi lahaa, waa in aan xoog iyo dhaqaaleba isugu geynaa sidii Mr. Jaamac loo dooran lahaa, si aan u noqonno ummad ama Jaalliyad wax dooran karta oo codkooda ay ku tar-tamaan xisbiyada ka jira waddanka Mareykanka iyo annagoo soo saarana mu-danayaal Soomaali ah oo na matala.

Cali Jaamac

Cali Jaamac Maxamed waa oday Soomaaliyeed oo deggan magaalada Co-lumbus illaa iyo sannadkii 2001dii. waa dhexd-hexaadiye ka shaqeeya suluxa iyo nabadeynta meelaha dhibaatada da-gaalka sokeeye ka qarxaan ee dalkeennii, wuxuu Cali haatan madax u yahay Guddiga Hoggaaminta Soomaalida Mareykanka ee Columbus (Somali American leadership Council) oo ah guddi ay kuwada mideysan yihiin dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee Colum-bus.
Cali Jaaamac wuxuu ka qeyb galaa oo u tafaxeytey wax u ururinta iyo dhis-idda samafallada kheyriga ah ee wax loogu qabanayo waddankeenii hooyo. Cali ma’aha nin qabiil ee waa nin qaran oo ka qayb qaata meel walba oo Soomaali deggen tahay intii karaankiisa iyo in ka badan, tusaale ahaan wuxuu qayb weyn ka qaatey dhisidda Jaamacadda Hiiraan, Baydhabo, Caabudwaaq iyo Baardheere. Wuxuu ceelal ka qoday Doollo, wuxuuna si aad ah ugu u ola-oleeyey in ceelashaas halkaas laga qodo, Cali wuxuu isaga, odaayaal iyo dhallinyaro ku tageen socdaal xeryaha qaxootiga dhadhaab. Waxayna uga digeen dhallinyarada hal-kaas ku dhaqan qatarta ay leedahay Al-Shabaab. waxayna kula taliyeen cawaaqib xumada ay leedahay ku biiridda kooxaha argagixisada. Cali haatan waa xubin ka tirsan iskuulka loo yaqaan Focus Academy North.