DEG-DEG: PSG Oo Warbixin Ka Soo Saartay Mawqifka Neymar Ee Ka Hor Tagista Barcelona Arbacada.

0
155

Kooxda PSG ayaa warbixin ka soo saartay mawqifka xiddiga Neymar uu uga hor tagi doono kooxdiisii hore ee Barcelona lugta 2-aad ee champions League.

Waxa jiray shaki weyn oo ku aadan ka qayb galka Neymar ee kulanka Barcellona marka loo eego in uu maalmihii la soo dhaafay tababarka la qaatay kooxda.

Neymar ayaa ku dhibaatoonayay dhaawac u diiday in uu ciyaaro kulankii lugta hore ee ay kooxda PSG 4/1 uga badisay kooxda Barcelona.

Kooxda PSG ayaa xaqiijisay in uu xiddiga reer Brazil seegi doono kulanka Lugta 2-aad ee Barcelona ee champions League.

Kooxda ayaa intaas ku dartay in uu Neymar sii wadi doono tababarka laakiin uuna taam u ahayn in uu ka qayb qaato kulanka Barcelona.