Shaxda Isku Dhafka Ah Ee PSG Vs Barcelona Ka Hor Kulankooda Arbacada

0
214

Kooxda PSG ayaa marti galin doonta kooxda Barcelona kulan ka tirsan lugta 2-aad ee wareega 16-ka champions League xilli ciyaareedkan.

PSG ayaa kulanka u soo galaysa in ay mar kale Barcelona kala kulanto soo laabasho kale oo taariikhi ah marka ay ku marti galin doonaan Barcelona garoonka Parc des Princes.

Kooxda PSG ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo leh gacanta sare kadib markii 4/1 ku soo garaacday kooxda Barcelona kulankii lugtii hore.

Laakiin Barcelona ayaa ku jirta qaab ciyaareed cajiib ah kulamadii ugu dambeeyay waxana ay isha ku hayaan in ay sii wadaan guulaha.

Labada kooxood ayay u ciyaaraan xiddigo heer sare ah iyada oo la filayo in uu Neymar taam u noqdo kulankan kadib markii uu seegay kulankii lugtii hore.

Hadaba shabakada Sports Mole ayaa soo saartay shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood ka hor kulankooda Arbacada ee champions League.

Kooxda PSG ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 6 xiddig halka ay Barcelona shaxda ku leedahay 5 xiddig.