WARBIXIN: Iska Ilow Van Dijk, Xiddig Ay Liverpool Tabtay Oo La Ogaaday Kulankii RB Leipzig

0
167

Kooxda Liverpool ayaa ugu dambayn guul gaadhay kadibmarkii ay guul u qalmeen ka gaadhay kooxda RB Leipzig kulan ka tirsanaa champions League.

Liverpool ayaa dhaawacyo ku dhibaatootay xilli ciyaareedkan iyada oo ay haatanba dhaawac uga maqan yihiin qaar ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda.

Jurgen Klopp ayaa kulankii RB Leipzig khadka dhexe ku soo celiyay xiddiga Fabinho kaas oo tan ilaa dhaawacii Virgil Van Dijk ka ciyaarayay daafaca dhexe.

Xiddiga reer Brazil ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo kooxdiisa siiyay dookhyo badan oo ka maqnaa markii uu daafaca dhexe ka ciyaarayay.

Inkasta oo ay kooxdu si weyn u tabtay maqnaashaha Virgil Van Dijk ee daafaca dhexe hadana kulankii RB Leipzig waxa cadaatay in ay kooxdu aad u tabtay ka ciyaarista Fabinho ee khadka dhexe.

Waxa shaki la’aan ah in ay Liverpool dib ugu soo laaban doonto guulaha premier League hadii uu Fabinho kulamada ka dhiman xilli ciyaareedkan ka ciyaaro khadka dhexe.

Fabinho Ayaa si fiican u ilaaliyay daafacyada dhexe ee Nat Philipes iyo Ozan Kabak sidoo kale kubada horay u waday oo caawinayay xiddigaha khadka dhexe ee kale iyo waliba weerarka.

Isku soo wada duuboo waxa aan odhan karnaa Liverpool waxa ay heshay furaha ay dib ugu soo celin karto xilli ciyaareedkeeda kulamada ka hadhay waliba ugu dhamaysan karto sida ugu fiican.

Furahaas ayaana ah in uu Klopp khadka dhexe ka ciyaarsiiyo xiddiga Fabinho kulamada u hadhay kooxda xilli ciyaareedka premier League iyo champions League