Barkhad Jaamac Batuun “Waan hubaa in Hargaysi u hiilin doonto cagafta cunsuriyada baabi’inaysa”

0
137

Sabti, May, 22, 2021 ( HOL ) – Afhayeenka xisbiga Waddani ahna musharax u tagan doorashada golaha wakiilada Barkhad Jamac Batuun, ayaa sheegay in doorashadiisu ay sababi doonto cadaalad iyo sinaan ay hesho dhamaan umada Somaliland.

Barkhad ayaa sharaxaad ka bixiyay waxa uu filayo in doorashadiisu ay Somaliland ka badali doonto.

“Waxay abuuri doonta Somaliland walaalo lagu yahay sarraynta sharciga, sinnaanta muwaaddiniinta, calanka iyo ciida oo ay cid waliba ilaashato, caddaalad abuuranta iyo ictiraaf yimaada” ayuu yidhi.

Barkhad ayaa ku andacooday in doorashadiisu ay meesha ka saari doonto magacyada aan wanaagsanayn ee loogu yeedho bulshada uu kasoo jeedo.

“In xubin baarlamaan aan  noqdo oo aan xil umadeed qabto waxay meesha ka saari doonto magacyo badan oo muddo dheer maskaxdeena haystay, micno badana lahayn” ayuu yidhi.

“Magacyadaas oo muraaradilaac dhexdeena ah abuurayay sida: – midgaan, lahayb-sooco, laga tiro badanyahay, la-yaso, dulman IWM” ayuu hadalkiisa ku daray.

Afhayeenka oo si aan toos ahayn ugu jawabay afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni oo sheegay in Barkhad aanu reer Hargaysa cod ka heli doonin, ayaa sheegay in uu hubo in reer Hargaysi dooran doonaan.

“Waan hubaa in Hargaysi u hiilin doonto, cagafta cunsuriyada baabi’inaysa, ee jeexaya jidka caddaalada insha Allah oo aan anigu noqon doono ninka ugu codka badan” ayuu yidhi.

Hadalka Barkhad Jaamac Batuun ayaa imanaya kadib markii uu afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni uu Barkhad ku tilmaamay nin aan Hargaysa cod ka heli doonin oo bulshadiisuba anay Somaliland dagin.

Hadalka Cabdinaasir ayaa dad badani u fasirteen in uu yahay cunsuriyad uu si toosa ugula kacay musharaxan kasoo jeeda bulsho aan muddo badan Somaliland ku lahayn matalaad toos ah.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
Abdilahi@hiiraan.com