Ra’iisal Wasaare Rooble” Waxaan rajeynayaa in shirku noogu soo dhamaado is afgarad iyo guul

0
141

Sabti, May, 22, 2021 ( HOL)-Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay shirka magaalada Muqdisho uga furmay maanta Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha xubnaha ka ah ee looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka.

“Waxaa maanta si wanaagsan noogu furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka. Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaan uga mahadcelinayaa ka soo qeyb galkooda.Waxaan rajeynayaa in uu Guul noogu dhammaado shirkan muhiimka u ah masiirka dalka.”

Saacado ka hor ayuu soo gabagaboobay maalinkii koowaad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka ee ka furmay Muqdisho waxaana wajiga labaad ee shirka la sheegay in leysugu soo laabanyo maalinta berri ah

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com