Dagaalo culus oo ka dhacay Sh/dhexe iyo Taliyahii Ururka 60-aad oo ku dhintay

0
546

Khamiis, Juun, 3, 2021 (HOL) –  Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay taliyahii Ururka 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Korneel Maxamed Cabdiwahaab, dagaal xoogan oo ka socda deegaanka Warciise oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa xaqiijiyay dhimashada taliyaha, islamarkaana sheegay inuu ku geeriyooday dagaal galabta dhacay.

Todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa gobolka Sh/dhexe ka socday dagaalo culus oo u dhaxeeyay Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeyay ee laga helaayo deegaanka Warciise oo galabta dagaalada culus ka dhaceen ayaa sheegaya iney gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
jamaal@hiiraan.com