Kiinsi Maxamed

0
332

Kiinsi Maxamed waa hooyo Soomaaliyeed oo ka danqatey darxumada iyo dhibaatada ka haysata xabsiyada iyo maxkamadaha dhalli-inteenii soo koreysey. Ki-insi waxay ayadoo cidna aysan dirin kaligeed is-ku xilqaantey in ay xabsiyada ku booqato dhallinyaro badan oo xabisyada Frank-lin County ku xiran.
Kiinsi waxay dhallin-yarada qaarkood kula tali-saa in ay raadsadaan qareenada dadwaynaha (Public Lawyers), si ay uga caawiyaan dembiyada loo heysto. Mararka qaarkood waxay u soo qaadaa araajida loogu dal-bayo qareennada bilaashka ah. Kiinsi marka la su’aaley waxa ku kalifey in kuwa xiran ay u raadiso lacag damaanad ah oo lagu soo sii daayo iyo qareenno bilaash ah waxay tiri “ Anigu hooyo baan ahay, waana carruur Soomaaliyeed oo la marin habaabshey oo hooyo ila mid ah dhashey, anigoon u eegeyn gobolka iyo cidda ay yihiin Soomaali, waa carruurtayda oo kale, waxaanan uga gubanayaa sidii anigoo dhalay oo kale, waxna ka hagran mahayo intii aan kari karo”. ♥