Maandeeq (Gabay) C/Laahi Suldaan Maxamed (Timacade)

0
2007

Cabdullahi Suldaan
Timacadde gabaygan
wuxuu tiriyey lixdamaadkii
markaasoo dawladdii
markaa maamulka haysay
lagu dhaliilayey musuqmaasuq.
Abwaan Timacade
ayaa la sheegay in uu ahaa
Abwaan Soomaalinimadu
aad ugu wayn tahay sida
aad ka dhadhamin kartaan
gabayadiishii taariikhda
galay.
Timacade markaa
isagoo qaranimadii iyo
xornimaddii ku metalaya
hal la yiraahdo Maandeeq
oo aan xero xun gelin ayuu tiri:
Gumaysigu hashuu naga
dhaceen gurayey raadkeeda
Gu’yaal iyo gu’yaal badan
hashii gama’a noo diidey
Goobtay istaagtaba
hashaan joogay garabkeeda
Guuraha habeenimo
hashaan gebi walboow
jiidhay
Gaashaandhigeedii hashuu
galowgu eedaamay
Hashii geeddankeedii rag
badan goodku ku casheeyey
Gacmaa lagu muquunshaye
xornimo, noogumay garane
Garre iyo guntane maalintay,
gees isugu boodey
Allaa noo gargaaree, xornimo
noogumay garane
Geeraarradeedii hashaan
annigu googooyey
Galool iyo maraa iyo hashaan,
kidiga geylaanshey
Gaajiyo harraad
badan hashaan, ugu
garaacaayay
Goortuu sadkeedii go’ee,
galabtii foolqaaday
ayadoo candhada giijisay
oo, godol ku sii deysay
Garaad midaan lahayn
bay la tahay, waad ka
gaa-gixine
Annagoo gantaalaha
dhaciyo, haysan qori
gaaban