Facebook Wuxuu Warka Siiyaa 1 ka Mid ah 3dii Qof ee Maraykan ah

0
286

By Shirwac Cabdi
THE SOMALI LINK
Boqolkiiba soddon dadka Maraykanka ahi waxay warkooda ka helaan
Facebuuga, sida ay muujisay daraasad cusub oo aysamaysay Xarunta Cilmi
Baarista ee loo yaqaan Pew(Pew Research Center). Ku dhawaad boqolkiiba
80 dadka daraasadda laweydiiyey waxay warkaka heleen Facebuuga.
Waxayna wararka iyo masawirada saaxiibadood ama qaraabadooda ku kala
waydaarsadaan facebuuga. Hase ahaatee dadka wararka sida culus ula socda kuma
aanay sheegin Facebuuga inay u tahay il muhiim ah oo ay wararka ka helaan, ayaa
lagu yiri daraasadda. “Dadku waxay Facebuuga u aadaan inay wadaagaan
wakhti shaqsiyadeed oo macnaheedu yahay in ayku sheekaystaan, kuna
kaftamaan. Taas ayaa keentain ay si kama’a ah war ku helaan,” ayey tiri Amy
Mitchell, Agaasimaha Cilmi Baarista Pew. Baaristan oo la sii daayey Maalintii
Khamiista ahayd ayaa ah tii ugu horaysay daraasado isdaba joog ah oo ay ururada
Pew , John S. iyo James L. Kingt ay samaynayeen si ay u ogaadaan warbaahinta
bulshada iyo isticmaalka wararka. Daraasaddu waxay soo bandhigtay in qiyaastii
labo meelood meel dadka Maraykanka qaan-gaarka ahiay Facbuuga isticmaalaan.
Goobta ugu weyn saxaafadda bulshada ee adduunka waxay soo bandhigtaa joogtayn
warside halkaasoo dadka iyo daabacayaashuba ay warka ku wadaagaan. Boqolkiiba
4 oo kaliya ayaa sheegay inuu Facebuugu u yahay goobta ugu muhiimsan ee
ay warkooda ka helaan. Dadka sida aad ka ah u isticmaala Facebuuga ayaa
la sheegay in ay u badan yihiin dhallinta da’da yar. Waxaa kale oo ay warbixintu
intaas ku dartey in dhallinta da’da yari ay facebuuga ama Twitter doorbidaan
in ay warkooda ka helaan halkii ay warkooda ka heli lahaayeen wargaysyada ama
Teleefishinada. Daraasad sii horraysay, Pew waxay ogaatay in 34
boqolkiiba dadka jira 18 illaa 24 ay warkooda ka qaataansaxaafadda bulshada marka